Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka isaga oo dalacsiiyay mid kamid ah saraakiishaas uu xilka cusub u dhiibay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka waxaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh, Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta uu u magacaabay Dayax Cabdi Cabdulle oo derajada Gaashaanle Sare loo dalacsiiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saraakiishaan cusub faray in ay kaalin firfircoon ka qaataan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo ka rajeeyay in ay kasoo bixi doonaan doorkaas laga filayo.

Waxa uu intaas ku daray in Madax iyo Shacab guud ahaan loo istaagay sidii loola dagaalami lahaa ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay joogaan waa sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.

Share.

Leave A Reply