Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas.
Ugu horreyn Madaxweynaha oo la wadaagay Danjire Linda guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ayaa ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta u ka geystay la dagaallanka Al-shabaab. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtootada.9
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta waxa loogu yeero argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.
Dhanka kale Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalka ka Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyada oo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin deegaannada ay Dowladda la wareegeen.
Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas oo Shirjiraa’id ku qabatay gudaha xarunta Xalane ayee Caalamka ugu baaqday in laga qeyb qaato gurmadka Abaaraha.