Madaxweynaha Dowlad Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Shirgudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Gobaleedka kaas oo ka dhacay Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.
Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada ka dhanka ah AS, isaga oo xusay in dhowaan howlgalada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay in ay isu diyaariyaan qeybgalka howgaladaas. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isaga oo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la bilaabi doona dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha illaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay Al-Shabaab. Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay shirka.
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.