HomePolitcalJubblandMW DG Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada Federaalka & kuwa Dowlad-Goboleedkaas oo ka shiray...

MW DG Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada Federaalka & kuwa Dowlad-Goboleedkaas oo ka shiray howlgallada ka dhanka ah AS.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB, Daraawiishta, Nabadsugidda iyo Booliiska Dowlad-Goboleedkaas waxaana ay kawada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaan, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kala sheekeestay qaabka loogu dhaqaaqi karo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowla-Goboleedkaas maadaama diyaargarowga uu soo dhammaaday.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa saraakiisha Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku dhiirrageliyay ku dhaqaaqista howlgalladaan si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada ka maqan maamulka.

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee DANAB & Daraawiishta DG Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaq ciidan kawaday deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa ka maqan Gobolka Jubada Dhexe oo ‘AS’ gacanta ku heyso, marar kala duwan waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay shirar looga arrinsaday sidii loo qaadi lahaa guluf ka dhan ah Shabaab si looga qabsaday Gobolkaas.

Jubbaland ayaa marar kala duwan soo bandhigtay Ciidamo Booliis, Nabadsugid, Daraawiish iyo kuwa federaalka oo wata gaadiid Dagaal kuwaas oo la sheegay in ay u dhaqaaqayaan deegaannada gacanta Dowlad-Goboleedkaas ka maqan.

Must Read

spot_img