Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah ka yeeshay qaraarka miiska u saaran ee dhuxusha Soomaaliya oo horay ugu diiwaangelisay in ay sharci darro tahay in la dhoofiyo si dad badan dhaqaale uga sameeyaan.

Goluhu waxa uu qaraar cusub kasoo saaray dhuxusha Soomaaliya kaddib markii Dowladda Federaalka ay 14kii Agoosto codsi u dirtay sida lagu yiri war kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqday in ay weli jirto halis amni oo xuddun u tahay dhoofinta Dhuxusha sidaas awgeed Dowladda Federaalka ayaa loosoo jeediyay in ay baabi’iso kaydka Dhuxusha sida hadalka loo dhigay.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15ka Dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay ku taageereen in Dowladda Soomaaliya ay qaado tallaabo si dhammeystiran meesha uga saraysa dhuxusha Kaydsan.

Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo ayaa loo arkaa in ay qayb ka tahay dhibaatooyinka bani aadamnimo sida abaarta, xaalufinta deegaanka iyo in ay dad badan dhaqaale aad u badan ka sameynayaan dhoofinteeda.

Share.

Leave A Reply