Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa soo afjaray cabsi xooggan oo ka dhalatay buufin ay sheegeen in Shiinaha uu u adeegsanayay qaab basaasid ah oo saacado ku qaadatay in ay ka fakiraan goobta ku habboon in ay ku burburiyaan.
Buufinkaan waxa uu nasasho & hoyaad u diiday dad badan oo ku sugan magaalooyinka lagu dul arkay, warbaahinta gudaha ayaa tebin toos ah sameyneysay illaa laga soo afjaro, kana hadlo arrintaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
“Waa lagu guuleystay in lasoo rido Buufinka, waxa aan amaanayaa duuliyaasha soo riday ee soo afjaray” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, intaas kaddib waxaa is baddelay xaaladda cabsida ahayd ee taagneed.
Mareykanka ayaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ku eedeeyay in howlo basaasnimo ay la damacsan tahay dalkaas kana feejigan yihiin, tartanka Militari, Midka Ganacsi & Teknoolajiyadda ee u dhaxeeya Washington & Beijing ayaa sii xooggeystay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo bartiisa gaarka ee ku leeyahay Facebook soo dhigay Qormo uu kaga hadlaya Buufinka ay soo rideen Dowladda Mareynka, ayaa yiri sida tan:- “Maanta dunida waxaa ugu hadal hayn badan waa Maraykanka oo soo riday Buufin uu sheegay in uu basaas Shiinaha leeyahay ahaa, halka ay Shiinuhu sheegeen in Buufinka uu samaynayey cilmi baaris la xariirta saadaasha hawada, si qasab ahna dabayshu jidkii kaga leexisay.
Buufinka ayaa waxaa ku rakiban isgaarsiin casri ah, kaamarooyin, raadaarro iyo sansaro. Maraykanka ayaa sheegay in gobolka Montana oo hoy u ah kaydka hubka Nukliyeerka Maraykanka uu Buufinku shaqo basaasnimo u dul-sabeynayay.
Washington waxay raadinaysaa haraagii Buufinka si ay u helaan xogta Tiknoolajiyadda uu ka samaynsan yahay iyo hawsha uu hawadooda ka hayey.
Maanta tartanka Tiknoolajiyadda dunida wuxuu u jihaysatay waxa loogu yeeray caqliga samayska ah (Artificial Intelligence). Horay way u jireen gaadiid (diyaarad, gaari, tareen aan cidna wadin), adeegyo ay mashiinno kaligood kuu qabanayaan gaar ahaan adeegga maaliyadeed, safarka iyo waxbarashada, waxaase cilmiga caqliga samayska ah (artificial intelligence) ku soo kordhay in Bayoolijigii iyo Tiknoolajiyadii la is baray, oo biotech uu sahlay in habdhaqanka (behaviour) caafimaadka (Health) dooqa (test), caadhifada (emotions) bani’aadamka lagu ogaado caqliga samayska ah.
Waa tan keentay in haddii aad Facebook, TikTok, ama YouTube mar wax ka isticmaasho boqollaal wax oo la nooc ah uu markasta ku hor keenaya.
Haddaba cuntooyinka aad gadato, dharka aad ku labisato, cudurrada aad iska dawayso, dadka aad sheeko wadaagga tihiin, goobaha aad ku cawayso, daynta laguugu leeyahay, hantida aad haysato, waxa aad daawato, xilliga aad soo toosto, nashaadka aad maalinti qabato oo la isku geeyey ayaa caqliga samayska (AI) siinaya qofka aad tahay.
Dunida dadkeedu caqligii dabiiciga ahaa hawlgelisay ayaa caqli samays ah ka shaqaysiisay. Laakiin dunida aan dadkeedu caqligii dabiiciga ah weli hawlgelin, way ku adagtahay in ay tartanka caqliga samayska ah ka qayb-qaadato. Bulshadeena caadhifada ayaa weli caqliga ka tan badan.”
Dowladda Shiinaha kama falcelin eedeynta uga timid dhiggeeda Mareykanka, dagaalka afka ah ee Washington iyo Beijing ayaa sii xooggeystay tan iyo markii Mareykanka uu taageeray Taiwan, Shiinaha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay faragalin dhuleed oo lagu sameeyay.