Faransiiska ayaa ku amray shirkadda Apple inay joojiso iibinta taleefoonka iPhone 12 maadaama uu sii deynayo shucaac aad u badan oo waxyeello geysan kara.
Talaadadii, Waaxda Faransiiska u maamusha heerarka shucaac iyo mawjadeed ee ay sii deynayaan qalabbada casriga ah ayaa sheegay in shirkaddan weyn ee tignoolajiyadeed ay tahay in ay iska hagaajiso taleefannadeeda.
ANFR ayaa kula talisay Apple in ay lagama maarmaan tahay in arrintan lagu xalliyo dhanka software-ka, haddii se aysan arrintaasi uu suuragalayn waa in ay dib u soo ceshataa dhammaan taleefannadii nooca iPhone 12 ee lagu iibsaday dalkan.
Inkasta oo walaaca intaa le’eg uu Faransiisku muujiyey haddana Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa horey isku dayday in ay meesha ka saarto cabsida laga qabo shucaaca ay sii daayaan taleefannada gacanta.
Waxa ay ku sheegtay boggeeda internetka inaysan jirin wax caddayn ah oo lagu soo gabagabeynayo, in aaladaha shucaaca koronteed ee yaryari aysan waxba u geysan karin difaaca jidhka aadamaha.
IPhone 12 ayaa markii ugu horeysay ee la soo bandhigay isla mar ahaantaana la gatay ay ahayd Sebtembar 2020, walina waxaa lagu iibiyaa dhammaan adduunka oo dhan.
Shirkadda Apple ayaa BBC-da u sheegtay in ay ka soo horjeeddo dib u eegista ANFR, waxayna sheegtay in ay qalabkan mariyeen hab baadhiseedka shirkadda, iyo sida oo kale dhincyo kale oo ka madax bannaan si ay u qiimeeyeen in uu waafaqsan yahay dhammaan xeerarka lagama maarmaanka ah iyo in kale.
Waxay intaa raacisay in nooca taleefan ee iPhone 12 loo aqoonsaday in uu waafaqsan yahay xeerarka heerarka shucaaca adduunka oo dhan.
Wasiirka waaxda dijitaalka iyo agabyada tignoolajiyadeed ee casriga ah u qaabbilsan Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa u sheegay wargeyska Faransiiska ee Le Parisien go’aankan, oo tilmaamay in ay u sabab tahay heerarka shucaaca oo ka sarreeya heer la aqbali karo, sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wuxuu sheegay in ANFR ay ogaatay in iPhone 12 heerkiisa nuugitaan ee shucaac (SAR) uu ka sarreeyo intii sharci ahaan la ogolaa.
“Apple ayaa la filayaa inay ku soo jawaabto laba toddobaad gudahood,” ayuu yidhi.
“Haddii ay ku guuldareystaan inay sidaas sameeyaan, waxaan diyaar u ahay inaan dalbado in la celiyo dhammaan nooca taleefan ee iPhone 12 ee suuqa ku jira. Xeerarku si isku mid ah ayay u qabanayaan cid kasta, oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee Tignoolajiyadda”.
Waxaana uu intaasi raaciyey in Faransiisku uu natiijooyinkiisa la wadaagi doona maamulayaasha kale ee guud ahaan suuqa ganacsiga – taas oo Barrot uu sheegay in ay keeni karto “saamayn lama filaan ah oo isku mid ah”.
Marka hore waxaa jira “xubin” – ama qalab yar – oo qofka soo gaadhaya marka taleefanku aad ugu dhaw yahay qofka tusaale ahaan marka u uku jiro jeebka surwaalka oo kale. Kaas oo xadka SAR ee tan ahaan loogu talagalay uu yahay afar watts kiilo kasta.
Maamulaha ayaa sheegay in “membre” qalabka SAR uu ahaa 5.74 watts halkii kiilo – taas oo ka dhigan in uu ka sarreeyo xadkii loo baahnaa.
Waxa kale oo jira mar qalabkaas loogu talagalay marka talefanku wax yar kaa fog yahay, sida marka uu ku jiro shandad ama jeebka jaakada, laakiin cabbirka SAR ee iPhone 12 ayaa la sheegayaa in uu dhammaan wada yahay hab cabbirkan.
Warkan ayaa markii ugu horreysay ee uu soo if baxay ay ahayd salaasadii marka loo eego gudaha Faransiiska – taas oo ka dhigan in ay tahay isla maalintii ay Apple soo bandhigtay taleefoonkeeda cusub ee iPhone 15.
Telefoonkan cusub ayaa ah kii ugu horreeyay tan iyo 2012-kii oo lagu soo bandhigo in uu leeyahay qalab kale oo dabaynaya jaajar ahaan, Apple ayaa sheegtay in ay iibin doonto adapter loogu talagalay jaajarkan cusub si ay dadku ugu isticmaalaan fiilooyinka hadda jira.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ay soo saartay diidmo ka dhan ah warbixinnada warbaahinta oo sheegtay in hay’adaha dawladdu ay u sheegeen shaqaalahooda inay joojiyaan isticmaalka iPhone-ka.
Waxaana shirkaddu kaga jawaan in Shiinuhu uusan soo saarin wax sharci ah, xeerar ama siyaasad ka hortagaysa isticmaalka alaabta Apple
Waxyaabihii uu la gaarka ahaa Iphone 12 wakhtigiisii
Telefoonka noocisu yahay Apple iPhone 12 ayaa noqday kii ugu horreeyay ee loo adeegsado chip (qalab yar) oo awoodda tiknoolojiyaddiisu ay aad u sarreyso, horayna aan caalamka looga isticmaalin wali.
Qalabkan ayaa dadka telefoonkaas heysta u sahlaya inay sameeyaan waxyaabo ay ka mid tahay inay wax ka baddalaan muuqaallada tayadoodu tahay 4K.
Sidoo kale waxa uu tayo aad u sarreysa u yeelayaa sawirrada lagu qaado iPhone-ka cusub ee dhawaan shaaca laga qaaday iyo sidoo kale in lagu ciyaari karo games si nadiif ah loo arkayo muuqaalladooda.
Marka uu dabka batariga dhaco xitaa sawirrada, muuqaallada iyo ciyaaraha telefoonkan waxay noqon doonaan kuwo aysan tayadooda isbaddalin.
alabkan oo magaciisa loo soo gaabiyo 5nm ayaa ah mid aad khafiif u ah oo la eg 25 atom oo kaliya – balaayiin kale oo isaga lamid ah ayaana telefoonka sii gali kara.
Haddii si toos ah loo sharraxo waxqabadkiisa, wuxuu ka dhigan yahay in telefoonka loo helay maskax awood dheeraad ah leh.
Haddii aan dib u jalleecno afar sano oo lasoo dhaafay ka hor, xilli ay shirkado aad u badan soo saarayeen telefoonnada casriga ah, waxaa shaki weyn laga qabay in qalabkan chip-ka ah guushiisa la gaadhi karo waqti dhow.
Waxaa dhaqaale badan ku bixisay shirkadda Netherlands laga leeyahay ee ASML, oo xoogga saareysay sidii ay ku farsameyn lahayd.
Mahsiinnada lagu sameeyay qalabkaas aadka u yar mid walba kharashiisu wuxuu dhan yahay $123m (£92m). Qiimahaas aad buu uga sarreeyaa kharashka ay ku fadhiyaan qalabyada ay shirkadaha kale u isticmaalaan sameynta telefoonnada casriga ah.