Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka. Sida lagu yiri qoraal ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sida lagu sii yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho dhankiisa Ereteriya, sidoo kale waxaa la filayaa in uu booqdo saldhigyada ay ku jiraan Ciidamada dowladda kuwaas oo halkaas tababar ugu socda.

Dowladda Ereteriya ayaa Soomaaliya waxa ay ka taageertaa tababarka dhanka Ciidanka, iyada o dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u dirtay 5,000 oo askari, kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay horraanta sanadkaan.

Share.

Leave A Reply