Israaiil ayaa aad uga carootay hadalkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu kusoo dhex daray khudbaddii uu jeediyay isaga oo la hadlay xubno katirsan Golahaas iyo Wasiiro kala derajo duwan kaas oo culeys ku noqday Yuhuudda.

Waxa uu mar u muujiyay garab istaag la xiriira in aanay indhaha laga qarsan Karin dhibaatooyin uu sheegay in ay Xamaas ka geysatay deegaannada ay xoogga ku heysato Israaiil, hadalkaas waxa ay Tel Aviv u ruxday Madaxa.

Xaalka waxa uu is baddelay markii Xoghaye Antonio Guterres uu khudbaddiisa isaga oo sii wata ku dhex sheegay in aanay Israaiil qiil saari Karin xasuuqa ay u geysaneyso Falastiin iyo ciqaab wadareedka ay ku sameyneyso Shacabka.

Hadalkaas dambe waxaa aad u dhibsaday Safiirka Israaiil ee Qaramada Midoobay oo Xoghaye Antonio Guterres ku tilmaamay in uu dhibaato xooggan qoorta uu u gelinayo maadaama maamulkiisa ay iska fogeeyeen duqeyntii ugu darnayd ee Gaza lagu garaacay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shaaciyay in aanay indhaha laga qabsan Karin duqeynta xooggan ee Israaiil ka geysaneyso Magaalada Gaza, halka loo baahan yahay gargaarka bani aadamnimo in la fasaxo.

Antonio Guterres ayaa yiri: “Sida aan cudurdaar loogu yeeli karin weerarkii ay Xamaas ku laysay dadka Israa’iilyiinta ah, ayaana cudurdaar loogu heli karin ciqaab wadareedka lagu hayo shacabka Falastiin”.

Yuhuudda ayaa duqeyn xooggan ku garaacday Magaalada Gaza waxaana ku dhintay kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah oo dhammaantood Shacabka waxaana ay isugu jireen Carruur, Haween iyo Dad da’ ah oo guryahooda ku garaaceen diyaaradaha Dagaalka.

Share.

Leave A Reply