Muuse Biixi oo Axsaabta Mucaaradka ugu baaqay in aysan xirin albaabka wadahadalka.

153

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo lagu maamuusayay 62sano guurada kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi madaxbannaani ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa ku dheeraaday xaaladda Somaliland.

Waxa uu sheegay in xaalad doorasho ay gashay Somaliland sidaas awgeed Axsaabta mucaaradka looga baahan yahay in aysan marnaba xirin albaabka wadahadalka si looga xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Muuse waxa uu bogaadiyay dedaallada lagu dhexdhexaadinayo Xukuumaddiisa iyo Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani & UCID si ay wada-xaajood ugu dhammeeyaan khilaafaadka siyaasadeed iyo tabashooyinka ay qabaan mucaaradka.

“Waxa aan ku jirnaa sanad doorasho, Doorashadu waan naqaan oo waxa ay leedahay cartan & buuq, xilka nabadda, dulqaadka & dhageysiga madaxeynaha ayuu saaran yahay, marweliba walaalaha waxa aan ugu gacan haatinaa oo aan dhahnaa isku kaaya keena oo wuu furan yahay albaabka wadahadalka, haddii sharci la isku qabto oo aan leeyahay ciddii wax ka qabto halkaan hasoo dhigo dee wax inaga qarsan garan maayo” Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa bogaadiyay dedaallada ay wadaan dhinacyada is xilqaamay ee madax-dhaqameedka, culimada & aqoonyahannada ka kooban balse waxa uu qiil ka dhigtay in marweliba wadahadalka dhankooda uu diyaar ka yahay.

Waxa uu tilmaamay in Soomaalida caado iyo dhaqan ka dhigatay in la dhex dhexaadiyo marka ay wax isku qabtaan ama ay wax kala tirsanayaan, si taas loo baddelayo ayuu sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay u yeerista dhinacyada wax tirsanaya.

 

“Qolo weliba si ay wax u xalistaan marka mishkilo dhacdo, Soomaalidu dhaqan bay u leedahay soo jireen in marka ay wax dhacaan loo yeero oo waxa ay ku margedaan la xaliyo, Dadka yaynan didin oo aan argagax gelin, Dadka waxa aan leeyahay sawaxanka baxayaa colaad ha moodina” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku eedeeyay in uu ka shaqeynayo dib u dhigista Doorashada 13ka November 2022 balse Xukuumadda ayaa beenisay oo waxa ay sheegtay in doorashadu ku dhaceyso waqtigeeda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here