Munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Adduunka ayaa lagu maamuusaya magaalada Jigjiga.

42

Munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Adduunka ayaa lagu maamuusaya magaalada Jigjiga.

Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo markii 29aad laga xusayo dalka oo ku beegan maanta ayaa waxaa sannadkan si heer qaran ah loogu maamuusayaa magaalada Jigjiga.

Munasabaddan oo ah mid loogu talo’galay in guud ahaan caalamka iyo dalkeennaba fiiro gaar ah loo yeesho ilaalinta deegaanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka socotay heer federaal iyo heer deegaan oo uu ugu horreeyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida inj. Maxammed Shaalle, Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ee DDS inj. Muxyadiin Cabdi, Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Illalinta Deegaanka ee heer federaal Marwo Firenesh Mukriya, Mudane Kabade Yimaan, Maareeyaha Guud Wakaaladda Horumarinta Keymaha Itoobiya, masuuliyiin iyo marti-sharaf ka kala socotay heer federaal iyo deegaannada dalka.

Munaasabaddan ayaana lagu maamusayaa dood-cilmiyeedyo iyada oo sida oo kalena la booqan doono hawlaha dhanka ilaalinta deegaanka ee laga qabtay nawaaxiga magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here