Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saaray xaaladda Laascaanood
    Gudaha

    Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saaray xaaladda Laascaanood

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 11, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa maanta gaaray heshiis cusub, xilli maalmihii dambe ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

     

     

     

     

    Kulan maanta ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay dhinacyadu iskula qaateen in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya.

     

    “Shir Qaran oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Qaranka si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay go’aamada kasoo baxay kulankaan.

     

    Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaarayo arrintaan.

     

    “Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiina xabad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabad joojinta.”

     

     

     

    Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhaqsaha badana kaalmo loo gaarsiiyo.

     

    Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

     

    “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

     

    Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

     

    “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

     

    Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

     

    Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleSidee dalalka Carabta uga jawaaben gurmadka dhulgariirka Turkiga & Siiriya? (Sawirro)
    Next Article XOG: Wasiir Faarax oo katanaasulay tartanka Kursiga Xildhibaan Hop086

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan Gobolka Mudug

    February 24, 2023

    Dagaal u dhaxeeyey Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka ee loo yaqaan “Macawiisleyda” oo dhinac ah…

    Maamulka degmada Buulaburte oo soo saaray Amro culus

    January 21, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.