Mohamed Salah Oo Lagu Eedeeyay Guuldaradii Liverpool Ee Final-ka Champions League

189

Xiddigii hore ee xulka Masar ahna Falanqeeyaha Bein Sports ee Mohamed Aboutrika ayaa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ku eedeeyay guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Real Madrid Final-kii champions League.

Real Madrid ayaa Liverpool ku garaacday champions League kuna guulaystay koobka markii 14-aad ee taariikhdooda kulan ka dhacay caasimada Paris.

Mohamed Aboutrika Ayaa sheegay in hadaladii Mohamed Salah ee ka hor final-ka champions league uu sabab u ahaa Fashilii Liverpool ee final-ka champions League.

Mohamed Salah ayaa marar badan ku cel-celiyay in uu ka aarsan doono Real Madrid kadib markii ay Real Madrid Liverpool ku garaacday Final-kii 2018.

Mohamed Aboutrika oo la hadlaya Bein Sports ayaa yidhi”Sanadkan wuu ku adagyahay Salah waxana uu ku fashilmay Final-kii Koobka Africa, u soo bixistii koka adduunka haatan final-ka champions Legaue”.

Kulankan waxa uu cashar u yahay Salah waana in uuna ku dhicin khaladka uu ku dhacay mar kale marka laga hadlayo hadaladii ka horeeyay kulanka, tani waa kubada cagta sidaas darteed waa in aad hadalkaaga ka fiirsato kulamada waaweyn ka hor”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here