Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Militeriga Mareykanka oo soo riday qalab dul heehaabayay hawada
    Dibadda

    Militeriga Mareykanka oo soo riday qalab dul heehaabayay hawada

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 13, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo ridday qalab duulayay hawada Mareykanka oo aan la aqoonsan. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha aysan weli u suurtagalin inay ogaadaan waxa uu ahaa qalabka lasoo riday.

    Waa markii afaraad ee uu Mareykanka bishan gudaheeda fuliyo howlgalka noocan ah oo lagu soo ridayo waxyaabo hawada duulayay oo laga shakiyay.

    Taliyaha ciidamada ee waqooyiga ayaa sheegay in qalabka dul heebayay hawada Mareykanka aan lagu tilmaami karin buufin iyo sababta uu hawada ugu jiray. Wuxuu intaa ku daray in meesha aan laga saari karin in qalabka uu ahaa mid shisheeye.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa galabtii Axadda amar ku bixiyay in lagu soo dejiyo meel u dhow harada Huron oo ku taalla agagaarka xadka Canada.

    Qalabkan ayaa waxaa looga cabsanayay in uu faragelin ku sameeyo diyaradaha qaada xamuulka ee marayay hawada maadaama uu qalabka dhulka u jiray 20,000ft (6,100m), sida lagau sheegay bayaan ka soo baxay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

    Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in markii ugu horreysay lagu arkay meel ka baxsan goobaha militariga ee Montana, maalintii Sabtidii.

    Qalabka oo aan loo arkin in uu yahay halis ciidan ayay saraakiisha difaaca Mareykanka ku tilmaameen mid aaney cidina wadin oo lahaa saddex geesood.

    Waxaa lagu dhuftay gantaal laga soo riday diyaaradda F-16 saacadu markii ay ahayd 14:42 wakhtiga Mareykanka.

    Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan xaddiga walxaha hawada ku duulayay ee bishan lagu soo riday Waqooyiga Ameerika.

    Buufin looga shakisanaa inay basaas u aheyd Shiinaha ayaa lagu soo riday xeebta South Carolina 4-tii bishan ka dib markii ay maalmo dul heehaabaysay qaaradda Mareykanka.

    Saraakiisha waxay sheegeen in laga soo diray Shiinaha si loogu la socdo dhaqdhaqaaqa goobaha xasaasiga ah.

    Shiinaha ayaa beeniyey in walxahan loo adeegsaday basaasnimo, wuxuuna sheegay in uu ahaa qalab lagula soconayo cimilada kasoo la buufiyay. Dhacdadan – iyo caradii ka dhalatay arrintani ka dib – waxay kor u qaadeen xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

    Axaddii, sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Maraykanku uu la xiriiriyay xukuumadda Beijing kadib markii la arkayay qalabkii ugu horreeyay xilli uusan wax jawaab ah ka helin dhowr maalmood, Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wadahadleen.

    Tan iyo dhacdadaas, diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay soo rideen saddex walxo oo kale oo hawada marayay.

    Madaxweyne Biden ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in lasoo rido qalab dul heehaabayay hawada gobolka Alaska, Sabtidii waxaa la soo riday qalab kale oo marayay hawada Yukon ee waqooy galbeed dalka Canada.

    Saraakiishu si cad uma aysan aqoonsan halka laga soo diray iyo ujeeddada qalabka, Mareykanka iyo Canada ayaa wali ka shaqeynaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen haraadiga qalabka lasoo riday balse waxaa dadaalladdaas caqabad ku noqotay xaaladda ka jirta badda Arctic.

    “Walxahan la arkay iskuma eko, waxayna aad uga yaraayeen, buufintii hwada lagu arkay [4-tii bishan] si dhab uma faahfaahin karno tan iyo inta aan ka arkeyno haraadiga qalabka lasoo riday” ayuu yiri afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad.

    Walxaha duulaya ee aan la aqoonsan ee uu Mareykanka hawadiisa ku arkay

    4-tii bishan February: Milateriga Mareykanka wuxuu soo riday buufin looga shakiyay inay basaas aheyd waxaana lagu arkay xeebaha South Carolina. Maalmo ayay dul wareegaysay hawada Maraykanka, waxayna saraakiisha sheegeen inay laga soo diray Shiinaha ayna basaaseysay goobo xasaasi ah

    10-kii bishan February : Maraykanka waxa uu qalab kale ku soo riday hawada waqooyiga Alaska kaas oo ay saraakiisha sheegeen in aanu lahayn nidaam xakameynayo qalabka.

    11-kii bishan February : Diyaarad dagaal oo uu Mareykanka leeyahay ayaa soo ridday “qalab hawada sare ku duulayay” oo dul heehaabeyay dhulka Yukon ee dalka Canada, oo qiyaastii 100 mayl u jira soohdinta Mareykanka. Waxaa lagu tilmaamay inay tahay qalab ka yar buufintii hore ee lagu arkay hawada Mareykanka.

    12-kii bishan February: Diyaaradaha Mareykanka ayaa soo riday qalab afaraad oo dul heehaabayay ah meel u dhow harada Huron.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG DEG Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Cabdalla Axmed Muumin
    Next Article Akriso:- Shan dal oo dunida hoggaamin doona sanadka 2050-ka

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok

    March 20, 2023

    Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok Dowladda federaalka…

    Daawo:- Muqaal XOGTA IYO XUKUNKA DHAQTARKII DILAAGA AHAA (DR-FANAX) –

    January 19, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.