War kasoo baxay Militariga Myanmar ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan Magaalada Chinshwehew oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen dagaallo u dhaxeeya qowmiyado doonaya in ay ku dhawaaqaan Madaxbannaani.

Deegaankaan waxa uu dhacaa xadka dhanka Dalweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha waxaana hadda jooga ciidamo kamid ah Militariga Myanmar afgambiga ku qabsaday sida lagu yiri war lagu daabacay Barta Warbaahinta Dowladda.

 

 

Afhayeen u hadlay Militariga Myanmar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin kahortagga dhinacyada u ololeynaya goosi istaag iyaga oo ku xiran siyaasadda dibadda ah inkasta uusan shaacin waddan ama dhinaca taageeraya.

Magaaladaan waa marin muhiim u ah Ganacsiga Gobolka Yunnan ee Shiinaha oo Xukuumadda Beijing dhaqaale badan ku bixisay si ay halkaas uga hirgeliso tareen fududeeyo isu socodka Dadka iyo Agabka la iibgeynayo.

Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday in xal degdeg ah la helo si aanay u dhaawacmin isku dayga balaayiinta Doollar ku kacaya ee Ganacsiga Gobolka Yunnan oo haddii xiisaddaas culus sii taagnaato ay dib u dhigi karto hirgelinta mashruucaas.

Share.

Leave A Reply