Mike Dean, Martin Atkinson & Jonathan Moss oo macsalaameynaya English Premier League (EPL).

20

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ee FA-da ayaa si cad u sheegay in saddex Garsoore oo kala ah Mike Dean, Martin Atkinson & Jonathan Moss ay berri 22ka May 2022 macsalaameyn doona leylinta Horyaalka xamaasadda badan ee Ingiriiska.

Saddexdaan Garsoore ayaa muddo kaddib sagootinaya horyaalka Ingiriiska maadaama ay howlgab noqdeen, waxaa FA-da laga sugayaa Garsoorayaasha baddelaya xili ciyaareedka dambe 2022/23.

Mike Dean: waxa uu dhashay 2dii June 1968 ( Waa 53 jir), Garsooridda kubadda Cagta waxa uu soo billaabay sanadkii 2000, diiwaanka ayuu ku galay in uu yahay garsoore bixiyay Kaararka ugu badan ee Cas (Rooso) iyo kuwa hurdiga ah (Jaalle).

Martin Atkinson: waxa uu dhashay 31kii March 1971 (Waa 51 sano jir), Garsoorahaan howlgalka noqday waxa uu dhexdhexaadiyay Ciyaaro kala duwan oo heerarka kala duwan ee Horyaalka Ingiriiska iyo kuwa ka baxsan waddanka.

Jonathan Moss: waxa dhashay 18ka October 1970 (Waa 51 Jir), 2011kii ayuu si rasmi ah u galay diiwaanka garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska balse waxa uu howlaha garsoorku soo billaabay 2003-dii oo waxa uu soo qabtay boosas kala duwan.

Tababarayaal, Ciyaartoy iyo falanqeeyaasha kubadda cagta ayaa hadal haya Garsoorayaashaan shaqada ka tagaya si ay u noqdaan howlgab, waa ay ku kala aragti duwan yihiin sooyaalka ay reebeen saddexdaan Garsoore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here