Mayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin oo aay wehliyaan Madaxa dabagalka Hay’adaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Muuse Guure iyo guddoomiyaha Dhallinyarada gobolka Hiiraan Maxamed Cabdullaahi Daahiye ayaa kormeeray goobo aay ka socdaan mashaariic biyo-xereeno ah.

Deegaanada aay ka socdaan dhismaha biyo-xereenada ee mayarka Nadar iyo madaxda la socotay kormeereen waxaa kamid ah Qooqane Hoodley iyo kuwa kale.

Buundooyin iyo dhismo biyo xereen caro tuur ayaa deegaanadaasi ka socda waxaana tani aay ku timid dadaal aay sameysay Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin.

Share.

Leave A Reply