Kulanka ayaa diirada lagu saaray horumarka bulshada Beledweyne caqabadaha jira, iyo in la muujiyo isku tashi bulsho.
Mayar Nadar Tabaax Maalin ayaa guddoomiyayaasha xaafadaha Beledweyne
ugu bishaareeysay in dowladda Hoose ee Beledweyne dhawaan mashaariic horumarin ah ka fulin doonto xaafadaha Beledweyne, Mayarka ayaa ka dalbatay guddoomiyayaasha xaafadaha Beledweyne in dhankooda isku tashi bulsho muujiyaan si wada jir looga gudbo caqabadaha jirta.
Guddoomiyayaasha Xaafadaha Beledweyne ayaa uga mahadceliyay Mayar Nadar sida aay isugu howshay horumarka bulshada Beledweyne,waxa aayna ballan qaadeen in dhankooda midnimo wada shaqeyn iyo isku tashi bulsho la imaan doonaan.
Xariirka wada shaqeynta ah ee u dhaxeeya dowladda Hoose ee Beledweyne iyo guddoomiyayaasha xaafadaha Beledweyne ayaa ka dhigtay horumarka hadda ka jira Beledweyne in uu sii xoogeesto.
Dowladda Hoose ee Beledweyne ayaa dhawaan mashaariic ka kooban dhismayaasha Suuqyo Xoolaha ah Waddooyin Biyo-xereeno iyo mashaariic kale oo badan ka fulin doonta magaalada Beledweyne.