Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka ayaa xukun kama dambeys ah ku ridday Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo ku magac dheer (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin oo loo garanayo (Iidow) oo ku eedeysan in ay Dilal ka geysteen Gobolka Mudug.

Labadaan Nin ayaa horay loosoo xukumay waxaana ugu dambeyn kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida oo Dil toogasho ah ku ridday Anas & Aadan oo qaarkood qirtay kiisaska lagu soo oogay.

Anas Cabdulqaadir iyo Aadan Mursal ayaa muuqaallo laga duubay waxa ay ku qirteen dilal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug iyaga oo wadajir uga sheeekeeyay magacyada dadkii ay dileen, goobihii ay nafta ku dhaafiyeen & dhammaan kiisaskii ay geysteen.

Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 22 May 2023 waxa ay Anas iyo Aadan ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qiyaasta Dadkii ay dileen sida ay sheegtay Maxkamaddu waxaana kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee CQS oo ugu dambeyn dilka lagu xukumay ku raacday.

Aadan & Anas ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen Dilal loo kala geystay Marxuumiinta kala ah Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamac Maxamed, ugu dambeyn waxa uu kiiskoodu maray Maxkamadaha kala derajada sarreeya ee Ciidamada Qalabka sida.

Share.

Leave A Reply