Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwadahii musuqa ee rafcaanka laga qaatay, kuwaas oo loo haysto saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda.
Dacwadda ayaa loo heystaa eedeysanayaal ka tirsan Wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada, Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa horay xukunno kala duwan ugu ridday Maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana racfaan ka qaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay u soo saartay xukunka saraakiishaan, iyada oo maxkamadda laga sii daayey qaar ka mid saraakiishaan oo laba ka mid ah ay soo noqdeen Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Dhageysiga dacwaddaan ayaa muddo ka socotay Maxkamadda gobolka Banaadir, taas oo muddo si toos ah looga daawanyey warbaahinta dalka, si la mid ah dacadda maanta furmatay ayaa si toos ah waxaa u tabinaya warbaahinta dowladda iyo tan gaarka ah.