Maxkamadda Gobolka Baay ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo lagu eedeeyay in ay horay u dileen laba murxuum oo ka mid ah Bulshada Gobolka Baay.
Laba qof ee lagu fuliyay dilka ayaa lagu kala macaabi jiray Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.
Toogashada ayaa ka dhacday Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii ay geesteen.
Madaxdaweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo mar la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciddii dil ka geesata deegaannada Maamulkiisa la hor geyn doona Cadaaladda.