Waxaa maanta Magaalada Baydhabo dusheeda loogu oofiyey dalka Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Boliiska KGS ka tirsan.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan ayaa Beerta Qurun Jiis oo degaan Dug Baydhabo ku taal ku dhex Dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Cabdullaahi ayaa Isaakh Maxamed Aadan dilay June 3, 2023-ka, marxuumka Farmashiiste isku diyaarinayay Guri gal laakiin u dhintay ka doodidda  xabad kor loogu riday. Sida lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badanyey dilalka ay deegaanada Koonfur Galbeed ka geesanyey Ciidamada dowladda, kuwaas oo ay u geesanayeen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaas.

Share.

Leave A Reply