Maxkamadda Ciimada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow kuwaas oo loo xiray ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, iyada oo maxkamaddu ku sheegtay in ay qaabilsanaayeen arbushaada Caasimadda.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow ayaa Al-Shabaab kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010, iyada oo loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye ayey Maxkamaddu ku sheegtay in Al-Shabaab uu kaga biiray Magaalada Muqdisho sanadkii 2022, waxa uu saaxiibkiisa Baariyow uu kala shaqeeyey dhanka Sahminta. Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex. Sid alagu yiri warka ka soo baxay Maxkamadda.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida

Share.

Leave A Reply