Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Maxay yihiin Ciidammada horay u dilay Usaama Bin Laadin ee hadda howlgalka ka fuliyay Soomaaliya?
    Gudaha

    Maxay yihiin Ciidammada horay u dilay Usaama Bin Laadin ee hadda howlgalka ka fuliyay Soomaaliya?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 27, 2023No Comments5 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Mareykanka uu ku faano ee fuliya howgallada khaaska ah fuliya ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), oo sidoo kale loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group.

    Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in weerar dhulka ah oo ay ciidankan ku qaadeen buuraha ku yaalla waqooyi bari Soomaaliya ay ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda IS, kaas oo muddo lagu raad joogay.

    Hoggaamiyahan oo magaciisa lagu sheegay Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

    Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn ilaaladiisa iyo ciidamada Mareykanka ka dib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynayay inay gacanta ku soo dhigaan.

    Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ciidamo gaar ah waxa ay Arbacadii ku fuliyeen weerar ay ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.

    Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Bilal al-Sudani oo xubin sare ka ahaa Daacishta Soomaaliya iyadoo sidoo kale ay halkaas ku dhinteen dagaalyahanno la socday.

    Ciidamadan gaarka u tababaran ayaa horay sameeyay hawlgallo aad u waaweynaa oo ay ka mid yihiin kuwii lagu dilay Cusaama Bin Laadin iyo hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish, Abubakar Al-Baqdaadi.

    Laakiin isla ciidankan ayaa la sheegaa in ay ka quusteen soo qabashada Janaraal Maxamed Faarax Caydiid oo Mareykanka kula dagaallamay Soomaaliya.

    Qaabkii ay u fuliyeen howgalkii Cusaama

    Weerarkii Bin Ladin waxa uu ahaa mid sannado badan la qorsheynayay balse fulintiisa waxay qaadatay 40 daqiiqo oo keliya.

    In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa laga dajiyay meel u dhow darbiga dheer ee dhisme saddex dabaq ah oo ku yaalla duleedka Abbottabad ee waqooyi-galbeed Pakistan, halkaasoo uu ku noolaa Bin Laadin.

    Is-rasaasayn kooban ka dib, shan qof ayaa ku dhintay, oo uu ku jiro Osama Bin Laden oo la sheegay in xabbad lagaga dhuftay isha bidix korkeeda.

    Dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay goobtii ay ka tageen, inkastoo cilad farsamo ay ku timid hal diyaarad oo helicopter ah oo ay goobta uga tageen.

    Haddaba maxay yihiin ciidammadan gaarka ah?

    Ciidammada Mareykanka uu ku faano ee howgalka gaarka ah fuliya ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), oo sidoo kale loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group. Waxaa sidoo kale ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka loo yaqaanaa oo magacooda loo soo gaabiyaa (DevGru), magacaasi oo ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni.

    Ciidamadan ayaa waxay howlgallo gaar ah ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah.

    Ciidamada ayaa ahaa shaqsiyaad xiddigo ah oo laga soo xulay militariga Mareykanka islamarkana si gaar ah loogu tababaray fulinta howlgallada qarsoodiga ah.

    Guud ahaan waxay ka kooban yihiin 2,500 oo askari, waxaana loogu magac daraa deegaanka lagu tababaray haddii ay tahay badda, hawada iyo dhulka-ba.

    Hawlgalladoodu aad bay u kala duwanaan karaan dabeecad ahaan, kuwo waxay galaan dagaalka caadiga ah, la-dagaalanka argagixisada iyo badbaadinta dadka la afduubto.

    “Waa nimanka ugu tababarka wanaagsan Ameerika, dadka caadiga ah ee waddooyiinka socda la mid ma aha,” ayuu yiri Don Shipley, oo ku sugan Virginia, kaasi oo 20 sano ka mid ahaa Ciidanka Badda ee Mareykanka.

    “Askartani noqday ciidamada gaarka ah waxay leeyihiin aragti dheer, oo ka sarreysa garaadka dadka kale, waxayna leeyihiin jir aad loo dhisay si ay ugu adkaystaan ​​ciqaabta badan ama garaacid badan,” ayuu intaa ku daray.

    Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay tababarka ay maraan midka ugu adag ee ay heli karaan ciidammo gaar ah meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

    Tirada shaqsiyaadka inta ay u adkeysan waayaan tababarka ee isaga taga ayaa waxaa lagu sheegay boqolkiiba 80-85, taasi oo macnaheedu yahay in boqolkiiba 20 oo kali ah ay ka gudbayaan tababarka.

    Stew Smith, oo muddo 8 sano ah ka tirsanaa ciidamadan haddana Maryland ka bixiya koorsooyin tababbarka jirdhiska ah ayaa ka waramay tayada ciidamadan iyo tababarkooda.

    Waxa uu sheegay in 6-da bilood ee ugu horreeya ee tababbarka ciidamadan uu yahay marxaladda ugu adag.

    Waxa jira maalmo ka mid ah oo uu tababarku soconayo 120 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka mid ah waxayaabaha lagu tababaranayo dabaasha, orodka, quusidda biyaha iyo in uu qofa ka gudbo caqabado badan oo loo dhigay.

    Waxaa ciidamadan la asaasay xilligii Madaxweyne John F Kennedy si loo xoojiyo awoodda ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

    Ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxay sanooyiinkii u dambeeyay howgallo gaar ah ka fuliyeen dalalka Afqaanistaan, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida daafaheeda ah.

    Doorka ciidamadan ee howlgalkii Ceydiid

    Aqalka gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay sanaddii 2012 in xubno ka tirsan isla ciidamadan gaarka ah ay howlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya ku soo furteen nin u dhashay dalka Denmark iyo haweeney Mareykan ah oo ay afduubteen kooxo hubeysan.

    Balse ciidammadan gaarka u tababaran sanado ka hor howlgalkaasi ayay Soomaaliya tageen si ay u soo qabtaan janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya.

    Bishii Agoosto ee sanadkii 1993 afar ka tirsan ciidammada gaarka u tababaran ee ST6 ayaa laga dejiyay magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan dhigooda DELTA oo ah ciidammo ka tirsan milatariga Mareykanka oo loo xil saaray soo qabashada Ceydiid.

    Waxay ka qeyb qaateen dhowr howlgal oo ay ku taageerayeen ciidammada milatariga iyo kuwa CIA-da oo bishii October 1993 weerar ku ekeeyay hoteelka Olimbik ee caasimadda Muqdisho.

    Ciidammadaasi uma suurtagelin inay soo qabtaan Caydiid, balse ka qeyb qaadashada howlgalkaasi waxay ciidammada ST6 ku mutueysteen abaalmariinno. Waxaa ka mid ahaa askartaasi afarta ah Haward Wasdin oo dagaalka ku sii jiray inkastoo seddax jeer la dhaawacay intii uu socday dagalakaasi lagu doonayay qabashada Janaraal Caydiid.

    Dad badan oo Soomaali ah ayaa howlgalkaasi ku dhimatay halka Mareykanka looga dilay 18 ka tirsan ciidammadiisa, taasoo horseeday in Mareykanka uu soo afjaro howlgalka. Waxaa howlgalkasi laga sameeyay fililmka caan baxay ee Black Hawk Down.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday
    Next Article DEG-DEG Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabelle Dabageed ayaa Xil u magacaabay……………..?

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Diyaaradda Fly Dubai ayaa maanta si rasmi ah u bilowday Duulimaad toos ah oo Dubai Muqdisho ah.

    March 9, 2023

    Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan waxaana ay…

    Ilmo 10 sano jir ah oo dhac yaab leh ka geystay Bangi ku yaalla Hannover (Sawirro)

    March 3, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.