Baaritaan ay samaysay BBC ayaa daaha ka qaaday in app-ka TikTok uu dhalinayo waali onlayn ah oo horseedaysa dhaqamada bulshada ka dhanka ah.

Shaqaalihii hore ee shirkada hawlgalisa aaladda ayaa sheegay in dhibaatadan aan waxba laga qaban cabsi laga qabo in ay saamayn taban ku yeelato xawliga kobaca ee app-ka oo loo arko mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee baraha bulshadu ku xiriirto muddooyinkan dambe.

Waalida TikTok – waa madal ay mawduucyadu helaan ka qayb qaadasho iyo isdhexgal oo aad u badan. Tani waxay soo baxday kadib wareysiyo lala yeeshay shaqaalihii hore ee shirkadda maamusha adeegsiga app-kan iyo falanqaynta BBC ee xogta ballaaran ee warbaahinta bulshada. Is dhexgalka weyn ee aaladdaan ayaa horseeday fowdo iyo khalkhal nolol maalmeedka saameeya.

Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in algorithm-ka TikTok iyo nashqadayntiisu ay u horseeddo isticmaaleyaasha in daawadaan muuqaallada aan loogu talin iyaga.

Bishii Febraayo 2023, muuqaal ayaa la soo galiyay TikTok kaas oo ku saabsan mudaaharaad ka dhacay Dugsiga Sare ee Rainford ee ku yaalla Ingiriiska, kaas oo ka dhashay tillaabooyinka uu dugsigu qaaday si loo hubiyo dhererka goonnada gabdhaha.

Saddex maalmood oo kaliya ayaa ka soo wareegtay ilaa arday ka kala socotay in ka badan 60 dugsi ay abaabuleen mudaaharaadyo la mid ah. Todobaad wax ka yar ayaa ka soo wareegtay markii arday ka socotay in ka badan boqol dugsi ay ka qaybgaleen mudaaharaadyadii dugsiyada Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay in algorithm-ka uu ujeedkiisu yahay in la isku daro bulshooyinka iyada oo mudnaanta la siinayo badbaadada isticmaalaha, shirkadduna waxay qaaddaa tallaabooyin ay ku joojinayso waxyaabaha soo noqnoqda, iyada oo tirtiraysa macluumaadka marin habaabinta ah, ayna xaddiddo fiidiyowyada aan la xaqiijin inay dadka gaaran.

Dilalkii ka dhacay Idaho ee dalka Mareykanka

Meeshii ugu horaysay ee kiiskaan dad badan ka maqleen ayaa ah barta TikTok, kadib markii afar ardey ah lagu dilay iyaga oo sariirtooda jiifa, halka laba kale oo ay ka badbaadeen falkaas dilka ah. Warkaan waxaa dad badan macluumaadkiisa heleen ka hor inta aysan warbaahintu baahin.

Mala awaalka ku saabsan cidda uu yahay gacan-ku-dhiiglaha geystay dilka ayaa ku faafay TikTok inkasta oo aan wax cadeyn ah aysan jirin. Muuqaallo ku saabsan arrintaan ayaa ku faafay barta TikTok, kuwaas oo ay daawadeen ilaa iyo laba bilyan oo ruux intii u dhaxeysay bishii November ee sanadkii 2022 kii iyo bishii Agaust. Youtube 80,000 oo qof oo kaliya ayaa ka daawaday xogta la xariirta dhacdada.

Shaqaalihii hore ee shirkada Tiktok waxay xaqiijiyeen in waxa keenaya qaab daawashadaan xadhdaafka ah ay tahay qaabka loo naqshadeeyay app ka TikTok, taas oo isticmaalayaashu ay ugu horreyntii arkaan muuqaalo ku jira boggooda qeybta “Isticmaalaha laguugu talagalay”, kaas oo soo bandhigaya muuqaallo qofka loo soo jeediyay in uu daawado oo ku saleysan saadaasha algorithm-ka.

TikTok waxay ku soo celceliyaan muuqaalada qaar, taas oo ay u arkeen kaarto ay ku heli karaan macaamiil badan.

Ku soo celcelinta waxyaabaha ku jira TikTok waxay cawaaqib xun u yeelan kartaa shakhsiyaadka, sida Jack Showalter, kaasoo si been abuur ah loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilalkii ka dhacay Idaho. Hanjabaadda iyo cagajuglaynta ay heleen qoyskiisu waxay muujinayaan khatarta ka iman karta wadaagga macluumaadka aan la hubin ee goobta lagu wadaagay.

Si kastaba ha noqotee, isticmaaleyaasha sida Olivia, TikTok oo ah gabar muqaalada dambiyada kusoo tabiso bartan ayaa kumanaan mayl u safartay goobta uu shilka ka dhacay waxayna halkaas muqaallo ka duubeysay mudo todobaad ah. Mid kamid ah muuqaaladeeda ayaa gaaray ku dhawaad 20 milyan oo daawasho ah.

In kasta oo Olivia aysan waligeed soo jeedin eedeymo been ah, waxay qiratay in si ka duwan warbaahinta caadiga ah, ay ku daabaci karto eedeymaha muranka dhaliyay ee TikTok iyada oo aan la helin wax caddayn ah oo taageeraya.

Doorka uu Algorithm-ka TikTok ka ciyaaro in muqaalada ay daawasho badan helaan

Algorithm-ka TikTok wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa in hal muuqaal uu helo malaayiin daawasho, marka la barbar dhigo aaladaha kale ee warbaahinta bulshada sida Facebook ama Instagram.

Mawduucyo gaar ah oo lagu baahiyo bartaan ayaa sababay khalkhal ku yimaadda nolol maalmeedka caadiga ah, waxayna kor u qaadday welwelka ku saabsan saamaynta ay ku leedahay isticmaalayaasha da’da yar.

TikTok waxay xaqiijisay inay la shaqaynayso aqoonyahannada, hay’adaha fulinta sharciga iyo khubarada kale si loo hagaajiyo hawlgalka codsiga baahsan ee barta.

Shirkadda app-kan ayaa BBC-da u sheegtay in ay heysato in ka badan 40,000 oo shaqaale xirfadoodu sareyso kuwaas oo ka shaqeeya in barta aan lagu daabicin wax kahtar galinaya nolosha caadiga ah dadka, iyagoo isticmaalaya tignoolajiyada maareynta macluumaadka.

Share.

Leave A Reply