Maxay tahay sababta sii jiritaanka bani’aadamka ay ugu xirnaan karto Afrika?

108

Sababta loogu maleynayo inay Afrika u noqon doonto meesha ugu dambeysa ee uu dadku isugu imaan doono

Nooceenna noole ahaan ee loo yaqaan ‘Homo sapiens’, waxay ka soo jeedaan Afrika marka dib loogu laabto taariikhda boqollaal kun oo sano ka hor. Hadda qaaraddan waxay sidoo kale fure u noqon kartaa sii jiritaanka aadanaha. Daraasado saadaaliyay sida ay dunidu noqon doonto dhamaadka qarniga ayaa sidaas soo jeedinaya.

Si loo qiyaaso sida ay noqon doonaan dadka dunida sanadka 2100, khubarradu waxay saadaal ka bixiyaan dhowr arrimood, oo ay ku saleeyeen waxa loogu yeero heerka ilmo-dhalista caalamiga ah (TFR), taas oo ah celcelis ahaan tirada carruurta nool ee ay dhasho haweeneydu.

Dadku si ay u koraan, ama ugu yaraan ay u negaadaan, waxaa lagama maarmaan ah, ugu yaraan, in tirada celceliska dhalmada ay tahay 2.1 carruur ah haweeney kasta.

Tiradaas waxaa loo yaqaan “bacriminta beddelka” fikradda ka dambeysana waa mid sahlan: maadaama haweenku ay ku dhow yihiin kala bar dadka, haddii mid kastaa uu leeyahay ugu yaraan laba ilmood, dadku ma yaraan doonaan.

Qiyaasta beddelka waa 2.1 carruur ah ee ma aha 2 kaliya, sababtoo ah waxay xisaabta ku dareysaa in dhammaan dhallaanka dhasha aysan qaangaarin iyo in, sidoo kale, mararka qaar ay dhashaan wiilal ka badan gabdhaha.

Marka loo eego tirakoobka Qaybta Dadweynaha ee Ururka Qaramada Midoobay, 1950-kii haweenka adduunka waxay lahaayeen celcelis ahaan 5 carruur ah.

Taasi waxay keentay in tirada dadka meeraha saddex jibaaraan wax ka yar qarni, dhawaana waxaan noqon doonnaa 8 bilyan.

Hase yeeshee, arrimo ay ka mid yihiin abuurista iyo faafinta hababka ka hortagga uurka ee wanaagsan iyo horumarinta xirfadeed ee haweenka dalal badan, iyo kuwo kale, ayaa horseeday in TFR hoos u dhaco wax ka yar kala badh, sanadkan 2022-kana haweenka adduunka celcelis ahaan waxay haystaan 2.4 carruur ah.

Meelo badan, jaantusku wuu ka hooseeyaa tiradaas.

“Maanta, in ka badan kala bar dadka adduunka waxay ku nool yihiin waddamo ay tirada dhalmadu ka hooseyso heerka bedelka oo ah 2.1 caruur ah haweeney kasta, waxaana qayb weyn oo ka mid ah dadkan ay ku nool yihiin waddamo ay heerarka dhalmadoodu aad u hoosayso walina hoos usii dhacaya,” Sabrina Jurán, oo ka socota Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (Unfpa), ayaa didaas u sheegtay BBC Mundo.

Tani waxay keentay in khubaradu ay saadaaliyaan in dadka adduunku ay kor u kici doonaan dhowr iyo toban sano ka dibna bilaabi doonaan inay hoos u dhacaan.

10 ama 11 bilyan

Qiyaasta ku aaddan goorta ay tirada bani’aadanku Meesha ugu sarraysa gaari doonto iyo tirada nagu soo biiri doonta way kala duwanaan doonaan, balse saadaashu waxay muujinaysaa in bani’aadanku ay yaraan doonaan qarniga soo socda gudihiisa.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dunidu ay gaadhi doonto qarka 11 bilyan oo qof marka la gaadho 2100 ka hor inta aanay bilaabin inay hoos u dhacdo.

Daraasado kale oo laga sameeyay Austria iyo Maraykanka ayaa sheegaya in hoos u dhacan uu billaaban doono goor hore, oo ay ka harsan tahay nus qarni kaliya, dadkuna aysan gaari doonin 10 bilyan.

Saadaasha ugu dambeysay, oo uu 2020 sameeyay machadka cabbirrada caafimaadka iyo qiimeynta (IHME) ee Jaamacadda Washington laguna daabacay joornaalka sayniska ee Lancet, ayaa tilmaamaysa in dhamaadka qarnigan ay 183 ka mid ah 195-ta waddan ee adduunka yeelan doonaan heerka bacriminta ka hooseeya heerarka loo baahan yahay si loo beddelo dadka sii bannaynaya booska.

Jalleecada hore hoos u dhaca dadwaynaha ayaa laga yaabaa inuu u ekaado war wanaagsan, maadaama adduun tirada dadkiisu yar tahay uu noqon karo mid la xakamayn karo.

Laakin tirooyinka gadaashooda waxaa ku qarsoon xaqiiqo aad u adag: maadaama ay marba marka ka dambaysa sii yaraanayaan dhallinyarada dadka da’da ahna ay sii kordhayaan, sidee dalalku dhaqaalahooda u sii wadi doonaan?

Iyo mustaqbalka fog: sidee bay bini’aadamku u badbaadi doonaan haddii ay yaraadaan dhallinyarada awoodda u leh taranka?

Afrika

Sidaas awgeed ayay dad badani u sheegaan in Afrika ay faa’iido leedahay, gaar ahaan dalalka ku yaalla dhulka Saxaraha ka hooseeya, waxaana la og yahay gobolka baaxadda leh ee ku yaalla badhtamaha iyo koonfurta qaaradda uu ka kooban yahay 54 waddan.

Sababtuna waa in si ka duwan dunida inteeda kale uu deegaankan yahay meesha lagu tilmaamo inay kasoo jeedaan bani’aadanka, ahna meeshii ay dadka ugu badan ku noolaan jireen.

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in tirada dadka gobolkan ay labanlaabmi doonto marka la gaadho 2050, iyada oo la gaadhi doono 2.5 bilyan.

Ficil ahaan, tani waxay ka dhigan tahay, muddo ka yar soddon sano gudaheed, rubuc ka mid ah bini’aadanku waxay noqon karaan Afrikaan.

Kobaca dadka Afrika waxa uu laban laab ka badan yahay kan Koonfurta Aasiya iyo ku dhawaad ​​saddex jeer kan Laatin Ameerika.

Arrintan waxa keenaya waa sifo gaar ah oo gobolkan uu leeyahay: inta badan wadamada Afrika ugu yaraan 70% muwaadiniinta ayaa ka hooseeya 30 sano.

Tani waxay si weyn uga duwan tahay xaaladda ka jirta adduunka intiisa kale, halkaas oo dadku ay si degdeg ah u gaboobeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here