Maxay tahay sababta Ciidamada Dowladda ay Isaga baxeen Degmada Galcad ?

Ciidamada Dowladda ayaa faarujiyay gabi ahaan Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaana soo baxaya dhowr su’aalood oo dul saaran sababta ciidamadaan loo saaray.

ilo Muhiim ah ayaa xaqeejiyay in Ciidamada Gorgor iyo Danab lagu amray inay dib uga baxaan Degmada Galcad oo dhawaan Dowladdu ay la wareegtay.

shalay Galcad waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ururka 52aad iyo dadka Deegaanka waxaana Markii dambe lagu amray inay ku laabtaan Deegaanka Cali Axmed ee Sh/dhaxe oo Markii Hore ay ka soo ruuqaansadeen waana arinta shakiga badan galisay dad badan, waxaana ka dib laga war helay in ciidamadii kale laga saaray Galcad.

 

 

Al Shabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen degmada Galcad, waxaana weerarkaasi lagu dilay ciidan katirsan milatariga Soomaaliya uu ku jiray taliye kuxigeenkii ciidanka Danab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaan wali ka hadlin ka bixitaanka ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawuusleyda ee demada Galcad, waxa ayna ka bixitaanka ciidankan imaaneysa xilli ciidanka dowladda dhawwaan la wareegeen degmooyin Al Shabaab heesteen.