Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa labo weji.

Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinada.

Maleeshiyaadka ayaa ku galay Israa’iil mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan labaatan goobood.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay. balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta afduubka la sheegay in ay Xamas geysteen.

Wajiga labaad ee weerarka xamaas ayaa ahaa mid dhanka gantaalada ah oo ay Israa’iil ku gareen.

Taliye sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku andacoonaya in kumannaan gantaal ay ku garaaceen gudaha Israa’iil.

Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen “Howlgalka duufaanta Al-aqsa.

Muuqaal aan wali si madaxbanaan loo xaqiijin ayaa muujinaya tiro askarta Israa’iil ah oo dhintay. Gawaari ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale la weeraray iyadoo qaarkood la qabsaday islamarkana ay dagaalyahanada Xamas u qaadeen Qaza.

Guuldarro sirdoon

Israa’iil ayaa leh mid ka mid ah shabakadaha sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba.

Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamarkana ku dhex jira kooxaha xagjirka ah maahan dhulka falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale.

Waxaa horey sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaasha xagjirka ah iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada gacanta.

Haddana maanta, dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in lagu qabtay hurdadii oo la gaaday.

Xamas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay ee ay u muuqato in Israel ay ka war heli waysay.

Way iska caddahay in Israa’iil ay qaadi doonto weerar culus oo aargosi ah, balse waxaa taalla su’aasha ah sababta sirdoonkoodu ay ugu guuldareysteen in ay ogaadaan weerarkan islamarkana aysan digniin u bixin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in toboneeyo ah diyaaradahooda dagaalka ah ay duqeymo ka wadaan bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza.

Wasaaradda gaashaandhiga Israa’iil ayaa sheegtay in heeggan sare la galiyay militirada ” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza.

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in ay wali waddo qiimeynta weerarkani lama filaanka ah ee lagu soo qaaday.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay sidoo kale inay billaabayaan howlgalka ay ugu magac dareen”seefta birta ah” kaasi oo ka dhan ah kooxda Xamaas ee Marinka Gaza.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa xusay in Xamaas ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Israa’iil.

Yoav Gallant ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Xamas waxay saaka samaysay khalad weyn, waxayna bilaabeen dagaal ka dhan ah dawladda Israa’iil”.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in la ansixiyay qorsho dib loogu yeerayo ciidamada kaydadka militariga.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Israa’iil ay “goob walba kula dagaalamayaan cadowga ayna Dowladda Israa’iil ku guuleysan doonto dagaalkan”.

Jawaabaha caalamku ka bixiyay dagaalka

Dhowr dal ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xiisada iyo dagaalka ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil.

Mareykanka ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna ku booriyay labada dhinac inay ka waantoobaan kala aargoosiga.

Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Israel iyo mintidiinta Falastiin, ayaa labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah.

Midowga Yurub iyo dhowr waddan oo ah kuwa qaaradda Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Share.

Leave A Reply