Maxay tahay Gaashan-buurta cusub ee Militari oo laga sameynayo Bariga Dhexe?

146

Xilli uu soo dhawyahay kulanka bariga-dhexe oo bartaamaha bishan lagu wado inuu ka qabsoomo caasimadda Sacuudiga ee Jiddah, oo uu ka soo qayb galayo Joe Biden waxaa si weyn loo hadal hayaa suurtagalnimada iney bariga dhexe ka aasaasanto gashaan-buur militari oo la mid ah NATO.

Gaashaan buurtaasi oo loo aasaasayo xasiloonida gobolka iyo iney si wadajir ah uga hortagaan dalka Iiraan.

Kulankaasi oo ay ka qayb galayaan waddamada khaliijka, Urdun, Masar iyo Ciraaq.

Inkasta oo si rasmi ah aan loo shaacin ajandaha shirka iney arrintan ka mid tahay haddana waxyaabhihi toddobaadyadii u dambeeyey dhacayey ayaa keenaya in gunaanad noocaasi ah la gaaro.

Wargeyska afka dheer ee Wall Street wuxuu toddobaadkan qoray heshiisyo si qarsoodi ah Sharm el-Sheikh ku dhex maraya wakiillo ka socday Masar, Mareykanka, Urdun, Israa’iil, Sacuudi Carabiya iyo Qadar.

Ilo xog ogaal ahna waxay sheegeen dalalkaasi iney isku afgarteen iska kaashadaan khatarta soo wajahi karta ayna ka midoobaan.

Toddobaadki horana wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz wuxuu xaqiijiyey inuu dalkiisa uu ka qayb galay waxa uu ugu yeeray xulafada ciidamada cirka oo ay yeelanayaan waddamada Bariga-Dhexe oo ay horkaceysay dowladda Mareykanka.

Haddaba dhaqdhaqaaqan muxuu ka dhigan yahay? Doorka ay Israa’iil ku leedahay muxuu yahay? Su’aalahaa iyo kuwa kalaba waxaa taxliiliyey wargeysya badan oo soo xigtay khubaro u dhuun daloola siyaasadda Bariga Dhexe.

Khubaraduna waxay sheegayaan kulanka Jiddah ka dhacaya bartmaha bishan ineysan fileyn heshiiskii xulafada lagu aasaasayey in lagu saxiixo.

Hase yeeshee, khubaradu waxay sheegeen isbaddallada degdegga ee ka dhacaya Bariga Dhexe marka la eego ay suurtagal tahay in ‘Xulafa NATO’ gacan saar la leh la yagleelo.

Sameyso saaxibbo Israa’iil ka soo horjeedo

Wakhtiyadi u dambeeyey Israa’iil waxay soo hagaajineysay xiriirka ay la leedahay waddamada deriska la ah, waddamadaasi oo ay Tel-aviv xiriirkooda wanaagasaneen balse ay uga faa’ideysaneyso cadawtooyada ay u hayaan Iiraan.

Walaaca laga qabo barnaamijka Niyuukilarka oo maalinna aan hakad la gelinin, ayaa waddamada gobolka oo dhan u mideysay si aan horay loo arag.

Aqalka Kongreska Mareykanka ayaa Joe Biden ku dhaleeceeyey sida uu awoodda oo dhan isugu geeyey Ukraine, arrinta Iiraanna ahmiyad badan uu u siinin.

Xulafada Militari ee cusub uu Mareykanka doonayo inuu ka dhiso Bariga Dhexe waxaa sida oo kale looga talagalay Mareykanka marka uu si buuxda ciidamadiisa gobolka ugala baxo inay ciidamadaasi u daboolaan kaalinta ay Washington banneysay.

Boqor Cabdallaha labaad ee Urdun wuxuu toddobaadki hore sheegay inuu dalkiisa noqonayo waddanka ugu horreeya oo xulafadaasi ka mid noqdo.

Dalka Urdun oo ah dal siyaasadda Bariga Dhexe kaalin mug leh isla-markaana waa dalki labaad oo Masar ku xigay 1994-kii heshiis nabadeed la saxiixatay Israa’iil.

“Dhammaanteen waan iisu nimid waxaanna niri: ‘Waxaanna isweydiinnay sida aan iisu caawin karno, waxaanna isla qaadannay xilligi ugu muhiimsanaa gobolka in hadda la joogo,” ayuu yiri Boqor Cabdalla oo Sabtidi waryesi siiyey telefishiinka Mareykanka ee CNNBC.

Kaalinta Israa’iil

Arrinta xusidda mudan ee xulafada cusub ayaa waxay tahay Israa’iil iney qayb ka tahay.

Hubka casriga ee ay Israa’iil haysato gaar ahaanna nidaamka difaaca hawada ayaa u horseedaya iney xulafada shuruud la’aan uga mid noqoto si xulafadu awooddooda ciidan ay u noqoto mid muuqata.

Waddamada ku yaalla Bariga Dhexe ayaa aad uga baqaya suurtagalnimada weerarrada cirka oo ay Iiraan waddamadaasi ku soo qaaddo, si weerarradaasi ay isaga difaacaanna ay ka maarmin nidaamka difaaca hawada Israa’iil.

Khubaraduna waxay sheegayaan Israa’iil iney tahay quwadda militari ee ugu weyn bariga dhexe, waddamada gobolkana ay ku qasaban yihiin iney xulafada ku soo daraan.

Xulafadaasina waxay ka koobnaan doontaa waddamada xiriirka tooska ah la leh Israa’iil (sida Masar, Urdun, Imaardaaka, Baxreyn iyo Moroko), iyo waddamada aan xiriirka tooska aan la laheen uu Mareykanka hoggaaminayo (sida Sacuudi-Carabiya, Cummaan, Qadar iyo Kuweyt).

Dawladaha khaliijku waxay hore u lahaayeen isbahaysi ciidan oo mideysan. Waxaa lagu magacaabaa “Gaashanka Khaliijka”, isbahaysigaasi oo ka kooban 40,000 oo askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here