Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey arrin uu ka seexan waayey oo ka dhacday gobolka Banaadir, markii uu weerarka billowday, kaas oo guda ugu galeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in habeenkaas uu ka seexan waayey nin indhoole ahaa oo ku sugnaa xarunta gobolka Banaadir, markii uu dhacayey weerarka, kaas oo meesha looga kala cararay, isaguna uu garan waayey meel iyo albaab uu ka baxo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga weerarka geystay ay ninkaas indhoolka ugu tageen halka ay ku sugnaa, kadibna ay dileen, maadaama uu ka carari waayey goobta weerarka.

Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhaca waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa meel uu aado ayuu garan waayey meesha ayey ugu yimaadeen waana dileyn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si qiiro leh uga hadlay arrintaan ayaa su’aallo ka keenay dhacdadaas, isaga oo sheegay in Al-Shabaab aysan laheyn wax naxariis ah.

Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriiin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aan laga baqan Al-Shabaab, isla-markaana meel looga soo wada jeesto.

“Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh’ ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninka indhoolaha ee uu ka sheekeeyay madaxweyne Xasan Sheek ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Warsame, wuxuuna ahaa agaasimaha naafada ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in xubnaha weerarka fuliyay ay ku gowrceen xafiiskiisa.

Weerarka gobola Banaadir oo saacado badan qaatay ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.