Kulan looga hadlay sare u qaadista Amniga Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi oo ay u badan tahay Soomaalida ayaa looga hadlay sugidda Ammaanka Xaafaddaas si looga hortago wax weliba oo dhibaato ku ah nabadgalyada.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa dhankooda gudbiyay fariimaha la xiriira qorshaha sugidda Amniga, tallaabooyinka ay qaadayaan, iskaashiga ay ugu baahan yihiin Bulshada iyo qaabka ay u wada shaqeyn karaan dhinacyadaan.

Ganacsatada Islii ayaa dhankooda gudbiyay tabashooyinka ay qabaan, culeyska dhinaca Amniga ah ee heysta, sababta gaabista ku keentay wadashaqeynta labada dhan iyo doorka ugu firfircoon ay ugu wada qaybgeli karaan ololaha nabadgalyada lagu adkeynayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dad badan ay heleen fariimo digniin ah oo la xiriira suuragalnimada weerarro ka dhaca Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya oo fadhi u ah Safaaradaha waddamada Reer Galbeedka.

Warbaahinta qaar ayaa ku xog-warrantay in dagaalka ka jira bariga dhexe ee Falastiin iyo Israaiil uu dhaliyay dareen xooggan oo sababay in muwaadiniinta Mareykanka & kuwa reer Galbeedka ee Yuhuudda la safan lagu wargeliyo in ay ka feejignaadaan weerarro ka dhan ah.

Share.

Leave A Reply