Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Magaalada Marrekesh ee Dalka Morooko kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Hay’adda Caymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee loosoo gaabiyo MIGA  Junayd Axmed.

Biixi & Junayd ayaa kawada hadlay qorshaha dayn cafinta Soomaaliya, Fursadaha Maalgashiga ee Dalka ka bannaan iyo Faaiidooyinka uu leeyahay Caymiska sida lagu yiri warka laga soosaaray kulanka labada dhinac ay wada yeesheen.

Madaxweyne ku xigeenka Hay’adda Caymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee MIGA ayaa soo dhaweeyay dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gashay in laga cafiyo deynta waqtiga dheer lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal dheer loo galay buuxinta shuruudaha dayn cafinta Soomaaliya si looga cafiyo lacagaha waqtiga fog lagu leeyahay si ay fursad maalgashi loo siiyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Share.

Leave A Reply