GUDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN MUDANE CALI JEEYTE CISMAAN AYAA KULAN LA QAATAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA FADRAALKA IYO DIB-UHISHIISINTA XUKUMADA FADARAALKA SOOMAALIYA .

 

 

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali jeeyte Cismaan ayaa wasiirka arimaha gudaha Xukumada Fadaraalka Soomaaliya mudane Ahmed molim fiqi Warbixino ka siiyey xaaladaha arimaha gudaha ee Gobalka Hiiraan asigoo la wadaagay Deegaanada laga xureeyey khawaariijta Al-shabaab kana Codsaday in ladardar geliyo doorka weyn ee Hormarineed ee aay ka qaadan karto wasaarada Arimaha gudaha iyo Dib-uhishiisinta Soomaaliya arimaha xasilinta Deegaanada laga xureeyey khawaariijta iyo Dib-uhishiisinta bulshada.

 

 

 

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay arimaha xasilinta oo Muhiim u ah geediga xaqiijinta amniga iyo xasiloonida Deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Hiiraan ee laga xureeyey khawaariijta Al-shabaab taas oo sare u qaadeeyso hanaanka Nabada hormarkada iyo is dhaxgalka bulshada.

 

 

 

Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay qoryaasha Dhab-uhishiisinta ee muhiimada koowaad u ah maamulka Gobolka Hiiraan asigoo wasiirka ka Codsaday xoojinta doorka shaqeed ee wasaarada Arimaha gudaha ee heer fadaraal aay ka leedahay.

 

 

 

Wasiirka arimaha gudaha Xukumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa gudoomiyaha ku amaanay Hoowlaha wanaagsan ee uga qabsoomay Gobalka Hiiraan asigoo xusay in wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dib-uhishiisinta aay Dardargelin Doonan hoowlaha Dib-uhishiisinta, xasilinta ee Gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka .