Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo safar shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Larry André.

Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Dalka iyo tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska.

Sidoo kale Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Larry André ayaa uga mahadceliyay booqashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaabilaadda kulankaan.

Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka socda Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud July 2022-ka.

Bayaan ka soo baxay Shir looga hadlayay Amniga Dalka kaas uu shirguddoomiyaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay howlgallada ka socda dalka in lagu dilay in ka badan 2,000 oo ka tirsan Al-Shabaab.