Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Gudlaawe Hussein ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Modowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha amniga, gaar ahaan howlgallada baahsan ee Al-Shabaab looga xureynayo deegaanada Hirshabeelle oo guulo muhiim ah laga gaaray.

Sidoo kale Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta iyo muhiimada ay leedahay in deegaanada la xureeyay laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi iyo Ku Xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xalaadaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga, howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo kor u qaadida mashaariicda horumarinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada la xureeyay kooxda laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.