Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nuur Madobe ayaa kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay ka guul gaarida Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taala magalada Baydhabo wajigiisa labaad maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ay uga qeyb galeen wajigii koowaad ee shirka isla-markaana Guddiga Farsamada gacan ku siiyay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lana xaliyiyey shaqaaqooyinkii dhacay ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in wajiga labaad ee shirka si rasmi ah u furmay maanta.