Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya?

145

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay  danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka JFS iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaalaha, sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal salaan ah uga siday Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Sucuudiga. Sid lagi yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu siiyiri Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa “sheegay  in Guddoonka Golaha shacabka dedaal dheer ku bixiyeen  dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here