Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare & Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta?

118

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Ugu horreyn Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan ayaa Guddomiyaha Aqalka Sare soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Safiirka ayaa waxa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Aqalka Sare

Dhanka kale labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa “ xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahadcelshay booqashada uu ugu yimid Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta ay Dowladda Imaaraadka carabta ay ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here