Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somalia C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal dheer ka soo saaray waxa ay ka dhigan tahay in Al-shabaab lagala wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isagoo shan qodob ku soo koobay faa’iidada ay degmadaas u laheyd Al-shabaab.

 

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AL-SHABAAB

 

Maxeey Xarardheere muhiim ugu ahayd Khawaarijta ? ( Shan Qodob )

 

Magaalada Xarardheere waa magaalo fac wayn, waa mid ka mid ah Magaalooyinkii ugu hor qaatay Maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo.

 

 

 

 

 

 

saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

 

4- Cabsi galinta Qabaailka.

 

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

 

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

 

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

 

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan Il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

 

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumada Somalia

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala