In ka badan 10 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan kaddib markii maleeshiyaad kurdiyiin ah oo taageero ka helaya Mareykanka ay la dagaalameen dagaalyanno kasoo jeeda carabta Suuriya.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Gobolka Deir Ez-Zor ee bariga Dalka Suuriya, waxaana lasoo wariyay in khasaaraha uu ka badan karo tirada sida hordhaca ah loo shaaciyay maadaama ay jiraan shaqsiyaad kale oo rasaas ugu tagtay deegaankooda.

Colaadda ayaa ku faaftay gobollo kale oo ka fog meelaha lagu dagaalamay taasi waxa ay sii kordhisay khasaaraha naf iyo tan maaliyadeed ee dagaalkaas uu geystay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka.

Boqolaal Askari oo Mareykan ah oo tababar iyo taageera buuxda siiya Maleeshiyaadka Kurdiga ah ayaa ku sugan goobaha lagu dagaalamayo balse lama soo sheegin tallaab ay qaadeen oo la xiriirta in ay kala dhex galaan labada dhinac.

Dagaallada ayaa salka ku haya dad la dilay oo la isku qabsaday, markii xal loo waayay kaddib dirirta labada dhinac ay noqotay mid toos ah oo ugu dambeyn kusii fidayo deegaanno kale oo dagaalka ka xasiloonaa

Share.

Leave A Reply