Dadkaas ka mid ma tahay?

Aduunkan maanta oo aan isku dayeyno inaan waxyaabo badan samaynno, waxaad mooddaa inaan dhamaanteen waqtiga la baratamaynno.

Balse inkasta oo aynu hal tartan ku wada jirno oo waqtiga ka dhan ah, hadana waxaad mooddaa in dadka qaar aanay wax dhib ah ku hayn inay ka daahaan hawlahooda.

Daraasad ay samysay Hay’adda Maraykanka ee YouGov 2014-kii ayaa sheegtay in shantii qof ee Maraykan ah midkood uu shaqada kasoo dib dhaco ugu yaraan hal mar todobaadkii. Sida la sheegayna dadka dhashay inta u dhaxaysa 1981 ilaa 1995 ayaa u badan dadka aan waqtiga si dhab ah ula dhaqmin.

Hadaba say wax u jiraan? Ma waxaa jira dad aslanba u abuuran inay kasoo daahaan ballamahooda?

Qoraaga reer Ingiriis Grace Pacie ayaa go’aansatay inay baadhitaan ku samayso sababta iyada qudheedu ay uga daahdo mar walba meelaha ay booqato waxayna natiijada baadhitaankaas ku qortay buuggeeda ay ugu magac dartay (Late! A Timebender’s Guide to Why We Are Late and How We Can Change)  oo ka hadlaya sababta aynu usoo daahno iyo sida aan u joojin karno soo daahitaanka.

“Marka la eego xogta shakhsiyadaha, waxaa jira miisaan isu dheelitiran”, ayey tiri qoraagu . “ Hal dhinac waxaa saaran kuwa aan ugu yeero ‘waqti tashiilayaal’ kuwaas oo u hamuun qaba inay degdeg u gaaran Meesha ay u socdeen.”

Halka dhanka kale ay ka saaranyihiin kuwa, sida ay qabto Pacie, “waqtiga laba jibaara.” Waa kuwa afka qalaad loo yaqaan (timebenders) oo ka dhigan kuwa waqtiga qaloociya oo qoraaga lafteedu ka mid tahay.

Qaloocinta waqtga

 

Haddaan nahay waqti qaloociyaasha ma jeclin shaqada joogtada ah. Ma jeclin hawlaha aan sii garanaynay isla markiibana waan ka cajisaynaa,” ayey Pacie u sharraxday BBC-da.

“Si fiican ayaan xoogga u saarnaa marka aan xiisaynayno sheyga, hadii waqtigu uu gaabanyahayna si hufan ayaan u shaqeyn karnaa,” ayey tiri.

Pacie waxay sharraxaysaa hadii aad doonayso inaad kasoo dhex saarto shaqaalaha xafiiska dadka ‘waqti qaloociyaasha ah’, waxaad eegi kartaa miisaska shaqada, qofka miiskiisa shaqadu is dhex daadsanyahay qofkaas ayaa ah ‘waqti qaloociye’ amaba dadka kasoo daaha balamaha. “Waxbaba ma aanaan dhameystirin, waxaanuna bilownay shaqa kale.”

Balse maxay dadka qaar dabeecadahan oogu badanyihiin marka loo eego kuwa kale ee aan tilmaamahan lahayn? Jawaabta waxaaba laga yaabaa inay hal shakhsiyadeed ku jirto, sida uu sharaxayo Qoraaga qoray buugga lagu magacaabo ‘Saameynta filashada’ (The Expectation Effect) David Robson.

Feejignow’

Sida uu Robson aaminsanyahay, soo daahintaanka joogatada ah wuxuu la xiriiraa heerka feejignaanta, taas oo ah tilmaan ama dabeecad shakhsiyadeed.

‘ Waxaad dabeecaddan ku cabiri lkartaa su’aalaha sida “ Siday tahay heerkaaga isku dubba ridnaantaada iyo abaabulka?’ ama si kale hadaan u dhigno ‘Qofkani ma yahay mid ku xisaabtama waqtiga iskuna saleeya waqtiga iyo shaqada?’ ayuu qoraagu u sharraxay BBC-da.

Pacie ayaa sidoo kale aaminsan in kuwa soo daaha ay waqtiga u arkaan si ka duwan dadka kale. “ Waxaan leenahay si uu waqtigu noo saameeyo oo ka duwan sida dadka intooda badan uu u saameeeyo. Daqiiqad waliba noolama sinna daqiiqadaha kale”. Ayey tiri

Cilmiga Saynisku muxuu ka sheegay arrinkan?

Daraasad ay Maraykanka ka sameeyeen dhaqaatiirta cilmu nafsiga ee jaamacadda Washington, ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta aragtida dadka ee waqtiga.

Tijaabooyinka mid ka mid ah ayaa ahayd, dadkii la tijaabinayey in la siiyey waqti xaddidan si ay ugu dhameystiraan hal shaqo. Xataa waxaa loo ogolaa inay saacadda fiiriyaan halka ay marayso. Balse shaqooyinka ayaa loo qaabeeyay nooc soo jiidasho iyo xiiso leh oo ka mashquulisa inay eegaan saacadda.

Waxaana soo baxday Natiijo cad. Dadka qaar waxay si dabiici ah ugu wanaagsanaayeen inay la socdaan waqtiga si ay u dhameystiraan shaqada loo dhiibay oo ay si fiican u qorsheeyaan mustaqbalkooda.

Natiijooyinka

Pacie waxay sheegaysaa in waxa ugu cajiibsan uguna wanaagsanaa ee la ogaaday ay ahayd in waqti qaloociyaashu aanay mar walba kasoo daahin meel walba.

“Waqtiga saxda ah ayaan ku imaan karnaa marka ay na xiisa galinayso, taasi waa, marka cawaaqib xumo nagaga imaanayso hadaan kasoo daahno waqtiga”, ayey sharraxday qoraagu.

Mararka aynu waqtiga kala jiidno badanaa waa xilliyada aanay jirin waqti kama dambeys ah ama waqti xaddidan oo aysan jirin cawaaqib xumo ka dhalan karta oo saas u weyn, taas oo badanaa dhacda munaasabadaha bulshada dhexdeeda,” ayey tiri.

Pacie waxay ku doodaysaa in tani ay u horseedi karto kuwa waqtiga qaloociya in ay dhibaato kala kulmaan saaxiibadood iyo qoyskooda madama ay u turjuman karaan in qofkani aanu danaynayn la noolaanshahooda.

“ Waxay ila tahay in ay aad inoo caawinayso aqoonsiga awoodda kama dambeysta waqtiga iyo xaddididda waqtiga, in ay yihiin wax jira, oo la fulin karo, iyo in ay cawaaqib xumo ka dhalan karto hadii lagu xad gudbo,” ayey kusii dartay.

Xal ayaa jira

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu ogaaday Robson, si loo wanaajiyo dhawrista wakhtiga; ayaa ah in ay dadku rumaysanyihiin in daahida ay tahay qayb aan laga saari karin oo ka mid ah shakhsiyadooda.

 “Waxay kaliya u maleynayaan inay tahay mid aad ugu muhiim ah hiddo-wadaha iyo dabeecadahooda oo aysan xitaa isku dayin inay saxaan dhaqanka,” ayuu yidhi.

  Fikradda ah in sifooyinka shakhsiyaddu aysan ahayn kuwo joogto ah – oo aan lagu wada dhalan, laakiin la qaabeyn karo – waa mid ka mid ah horumarka ugu xiisaha badan ee cilmi-nafsiga maanta.

 Robson wuxuu sheegay in haddii aad rabto, qof kastaa uu noqon karo mid aad u feejigan adiga oo samaynaya isbeddello fudud si aad heerkaas u gaadho.

“Waxay samayn karaan waxyaabo sida jadwal faahfaahsan maalin kasta ama waxay u qoondeynayaan wakhti ay ku abaabulaan xafiiskooda ama qolkooda jiifka haddii ay isku buuqsan yihiin,” ayuu sharaxay. “Waxyaabaha aan ognahay in dadku ay aad uga warqabaan.”

BBC SOMALI