Maxay Cunnooyinka qaar ay u sababaan Gaastariga?

209

Xanuun caloosha iyo laabta dareenka gubashada ah iyo rabitaanka cuntada. Arimahaasi waa qaar ka mid ah calamadaha ay Emanuelle Carolina Pereira oo ah 21 jir barata caafimaadka jidh dhisku isku aragtay markii uu ku bilaabmay gaastariga ama asiidha caloosha ee dib hunguriga ugu soo noqta ee ah cudurka la yidhaa (gastroesophageal reflux).

Gaastariga waxaa sabab u ah soo noqoshada aan caadiga ahayn ee caloosha ay ka soo noqoto asiidhu oo waxay gaadhii kartaa mararka qaarkood ilaa afka inay ka soo baxdo. Sida laga soo xigtay khubarada cuntooyinka qaarkood ayaa sababa in ay dabcaan muruqyada u dhexeeya hunguriga iyo caloosha.

Haddaba cunista jokolaytka, cabitaanka bunka, sharaabyada soodhaha leh, khamriga iyo cuntooyinka shiilan ayaa kordhiya khatarta in qofka uu ku dhaco xanuunkani.

Xaaladdu waxay noqotaa cudur marka calaamadahan qofku isku arko ugu yaraan hal mar toddobaadkii oo ay dhibaateeyaan nolol maalmeedkiisa. Sida laga soo xigtay khubarada baadhay qiyaastii 25% dadka qaan gaadhka ah ayaa la ildaran dhibtan.

Emanuelle Pereira ayaa sheegtay in tan iyo yaraanteedii ay ka cabaneysay balse saameynta ugu weyn ay dareemaysay markii ay da’yarta ahayd. “Waxaan bilaabay cunista cuntada degdeg ah waxaana dareemay inay gaastaridii igu soo noqonayso,” ayay tidhi.

Saddex sano ka hor waxay bilowday daawo waqti gaaban ah si ay calaama uga nafiso oo ay uga takhalusto xanuunka. Waxay beddeshay caadooyinkeedii waxayna dareentay isbedel nolol maalmeedkeeda ah.

Si kastaba ha ahaatee hal sano ka dib, waxay bilowday in ay cunto cuntooyinka shiilan mar kale iyada oo leh cuntooyinka dufanka leh.

Markii ay samaysay baadhitaanka loo yaqaan endoscopy oo hubinaya isbeddelada xubnaha caloosha iyo mindhicirka waxaa la ogaaday in ay dhaawacyo ka qabto hunguriga.

Ardayada waxa uu sii socda daawaynta waxaanay rajaynaysaa in ay ka ladnaato. “Waxay ka dhigtaa jimicsi u baahan xoog badan oo caloosha ah in yar oo adag. Cunista cuntooyinka shiilan dhibaato ayay keenaan mana fiicna.”

José Félix oo 64 jir hawlgab ah ayaa isna muddo sanado ah la ildaran xanuunka gaastariga. Wuxuu jecelyahay Coxinha, bunka iyo cuntooyinka dufanka leh markuu aad u badsadayna wuxuu dareemay saameynta taban ee ay ku yeesheen cuntooyinkani.

“Waxaan dareemay gubasho badan, xiiqsanaan, mararka qaarkoodna aad ayay iigu badnayd gaastarigu waxa igu adkaatay in aan foorarsado si aan wax u soo qaato”.

Baadhitaano ka dib waxa laga helay gaastari daawaynta ka sokoow, José waxa uu u baahday in uu beddelo hab dhaqankiisa cunto oo uu daawaynta si dhab ah u qaato.

“Waan joojiyay cunista cuntooyinka shiilan waxaanan raacay dhammaan talooyinka caafimaadka. Dhowr toddobaad ka dib waxaan durba dareemay horumar weyn,” ayuu yidhi.

Ilaa maanta ninkaa hawlgabka ah wuxuu isku dayaa inuu qaato cunto caafimaad leh oo uu iska ilaaliyo cuntooyinka degdega ah iyo cabitaannada bunku ku jiro. Waxa uu sheegay in ay adag tahay in mararka qaarkood laga adkaysto laakiin ma rabo in uu dareemo calaamadihii.

uu hore u lahaa. “Haddii aan cuno lug digaag ma dareemayo caafimaad 100% markaa waan iska ilaaliyaa.”

Maxaa keena gaastariga?

In asiidha calooshu hunguriga ku soo noqotaa waxa waxaa lagu gartaa cudurka gastroesophageal reflux.

“Xaaladaha caadiga ah inta u dhaxaysa hunguriga iyo caloosha waxaa jira nidaam muruqyo kala xidhaan kaas oo ay saameyn karaan arrimo gaar ah oo keeni kara in ay debcaan muruqyadaasi”, ayay tidhi Helen Perussolo Alberton, oo ah dhakhtarka Gastroenterology iyo Hepatology ee isbitaalka Marcelino Champagnat, Curitiba, Brazil.

Guud ahaan caadooyinka cunto xumo ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee dhibaatada. Cuntooyinka keena in muruqyadu debcaan waxa ka mid ah isticmaalka jokolaytka, bunka cabitaannada soodhaha leh, khamriga iyo cuntooyinka shiilan oo kordhiya khatarta cudurka.

” Waqti dheer ayay ku qaadataa calooshu in ay dheef shiiddo. Cabitaannada soodhaha leh waxay sidoo kale kordhiyaan cadaadiska caloosha taas oo uga sii darysa gaastariga”,ayuu yidhi Clóvis Massato Kuwahara oo ku takhasusay endoscopy sidoo kalena ah borofisar caafimaadka ka dhiga jaamacadda Pontifícia Universidade Católica do Paraná, Brazil.

Sigaar cabista ayaa sidoo kale waxay kordhisaa khatarta cudurka gaastariga. Marka laga reebo cabista sigaarka, isticmaalka xad-dhaafka ah ee liinta iyo khudaarta kale ee dhanaan ayaa iyaguna sababi kara cudurkan.

Waa maxay calaamadaha lagu gartaa?

Calaamaduhu waxay ku soo bixi karaan waqti dheer waxaana muhiim ah isla marka calaamadaha ugu horreeya ay soo baxaan in qofku u tago dhakhtarka gaastariga.

Kuwa ugu badani laabjeex dareen gubasho ah oo caadi ahaan laga dareemo laabta ah asiidha ka soo noqonaysa caloosha ee hunguriga dib u soo maraysa.

Waxay sidoo kale noqon karaan aan calaamado aan caadi ahayn sida qufac, xabeeb, hiinraag, ur xun iyo xitaa in asiidha afka soo gaadhaysaa ay dahaadhka ka sare ka qaado ilkaha.

Asiidhu aaxa kale oo ay wax u dhimi kartaa xubnaha hunguriga ka baxsan, ayay tidhi Helen Perussolo Alberton.

Si loo ogaado cudurka waxaa lagama maarmaan ah in bukaanku la tashado dhakhtaro takhasus leh oo loo sameeyo baadhitaanno gaar ah sida endoscopy.

Sidee loola tacaalaa dhibtan?

Habka bilawga ah waa inuu ka kooban yahay isbeddelada dhaqanka iyo cuntada.

Xaaladda ugu horreysa waxaa suurtagal ah in la sameeyo ficillo maalinle ah oo fudud. Mid ka mid ahi waa in wakhtiyo go’an cuntada la cuno adiga oo qaadanaya saddexdii saacadoodba mar kana fogaada isticmaalka xad dhaafka ah ee cuntooyinka culus ka hor intaadan seexan.

Waxa kale oo lagu talinayaa in kor loo qaado madaxa marka sariirta la jiifsado si looga fogaado soo noqoshada asiidha habeenkii marka la hurdo.

Ta labaadna waxa weeyi in lagu talinayo in la yareeyo isticmaalka cuntooyinka iyo cabitaannada ay ku badantahay kaafeynta, dufanka iyo dhanaanku.

Isla mar ahaantaana iyada oo la raacayo talada caafimaad bukaanku wuxuu qaadan karaa daawooyinka asiidha yareeya. Caadiyan daawaynta oo dhami waxay socon kartaa lix bilood.

Haddii astaamuhu aanay isbeddelin qofku waa inuu maraa baadhitaanno dheeraad ah. Mid ka mid ahina waa Manometry kaas oo lagu ogaado shaqada dhaqdhaqaaqa hunguriga oo qiimeeya in xubintaas uu gaadhay dhaawac gaar ah ama isbeddel ku yimaad shaqada Peristaltic.

Eduardo Grecco oo ah dhakhtar ku takhasusay Gastrosurgeon iyo Endoscopy oo ka tirsan machadka EndoVitta ee Brazil, ayaa sharaxaya in qofka laga yaabo inuu sidoo kale maro nidaamka loo yaqaan Phmetry kaas oo cabbira asiidha caloosha oo tilmaamaysa qadarka ugu habboon ee daawada uu dhakhtarku qori karo.

Xaaladaha qaarkood waxaa sidoo kale jira qalliin loogu talagalay dadka ay aadka ugu badan tahay asiidha hunguriga ku soo noqotaa.

“Xaaladda qaliinka, valve anti-reflux ayaa laga sameeyaa agagaarka hunguriga, bukaanku wuxuu isbitaalka ku jiifaa qaliinka ka dib maalin ama laba maalmood,” ayuu yidhi Grecco, oo ah iskuduwaha adeegga caafimaad ee isbitaalka ABC Medical School Endoscopy Clinic.

Sida uu qudhiisu sheegay qiyaastii 80% bukaannada ayaa ku bogsada oo aanay ku soo noqon calaamadaha cudurka gaastarigu.

Isha: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here