Mohammed Deif, hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee garabka milatari ee Xamaas ayaa saakay sheegtay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Israa’iil.
“Waanu u dignay cadowga,” ayuu ku yiri warsaxaafadeed dhif ah oo uu soo saaray. “Waxay weerareen dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah waxayna waxyeelleeyeen al-Aqsa.” Ayu uku yiri warsaxaafadeedkiisa, Deif ayaa shaaciyay in Xamaas ay fulisya howlgal milatari oo uu ugu yeeray Duufaanka Al-Aqsa.
Xamaas ayaa saakay weerar aan la fileyn oo kedis ah ku qaadday Israa’iil, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo burbur isugu jira.
Sidoo kale Israa’iil ayaa weerar kale ku jawaabtay kaasoo ay ka geysatay Marinka Gaza.
Waa kuma Deif?
Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.
Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay “marti”..
Wax badan lagama oga barbaarintiisii iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.
Deyf wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii la aasaasay Xamaas, markuu ku biiray kooxda dabayaaqadii 1980-kii. Isagoo u heellan iska caabbin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil, Deif wuxuu si dhakhso leh uga dhex muuqday qaybta militariga ee Xamaas, Guutooyinka Izzedine al-Qassam.
Intii lagu guda jiray sanadkii 2000 wuxuu ka badbaaday afar isku day oo ay Israa’iil ku dili rabtay, sida la sheegay uu ka baxsaday isagoo dhaawacyo qaba, qaarkood halis ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawac soo gaaray uu ishiisa ku waayay.
Taliyihii hore ee sirdoonka Israa’iil ayaa shaaciyay halista dhaawacyada Deyf kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday guriga xubin katirsan Xamaas 2006-dii.
Isku daygii shanaad ee lagu bartilmaamsanayay nolosha Deif ayaa yimid intii lagu jiray dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil dhexmaray 2014-kii.
Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday guri ku yaal xaafadda Sheekh Radwan ee Qaza, halkaas oo ay ku dishay xaaskii Dheyf, Widad, iyo wiilkooda yar, Cali. Israa’iil waxay sheegtay inay dishay Deif.
Wax yar kadib, Xamaas waxay tiri “Dheyf wali wuu noolyahay wuuna hogaaminayaa howlgalka militari” ee kadhanka ah Israa’iil.
Maxaad ka taqaannaa Xamaasta dagaalka culus kula jirta Israa’iil?
Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil.
Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.
Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.
Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.
Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.