Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea ayaa Axadii ugu hanjabay hogaamiyayaasha Iran In tallaabo toos ah laga qaadi doono hadii Israa’iil ama Yuhuuda lagu wax yeeleeyo waxa uu ku sheegay qorshe argagixiso oo ay si toos ah dawladda Iran uga qayb qaadanayso kaas oo laga fulinayo caalamka.
Waxa uu sheegay in ololaha argagixsada loo fuliyay si waafaqsan “talo siyaasadeed oo ka yimid hoggaamiyaha” oo ah tixraac muuqda oo ku saabsan hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ayatullah Ali Khamenei wuxuuna u hanjabay hoggaanka Iran.
Intaas ka dib taliye sare oo ka tirsan militariga Iran ayaa Khamiistii uga digay Israa’iil isku day kasta oo lagu khaarajinayo saraakiisheeda sare.
Hossein Salami oo ah Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan oo ka hadlayay magaalada Tehran ayaa ku tilmaamay hanjabaadda ay hay’adda sirdoonka Israa’iil ku beegsanayso saraakiisha Iiraan inay tahay “hadal aan macno lahayn”.
Marka, waxaan ku leeyahay, haddii dilalkii hore aad ku nabada gasheen, sii wada,” ayuu yiri taliyaha IRGC oo kusii daray, “haseyeeshee waa inaad ogaataa in haddii aad samayso hanjabaado liddi ku ah ammaanka Iran, aan haysanno doorashooyin badan, Cimrigana laguusoo gaabinayo.”
Isniintii, David Barnea, oo ah madaxa sirdoonka Israel ee Mossad, ayaa ku hanjabay inay dili doonaan saraakiisha Iran, si ay uga jawaabaan weerar kasta oo Iran ay ku qaado Israeliyiinta caalamka.
Talaadadii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in waddankiisu uusan ka waaban doonin inuu ka jawaabo tallaabo kasta oo “nacasnimo” ah oo Israa’iil uga ay qaaddo, taas ah oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Iran.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil “inay boorka ka jafayso dhaqdhaqaaqyada argagixisada si ay u gaarto ujeedooyinkeeda aan sharciga ahayn.”
Maxay tahay xurgufta ka dhaxeysa labada sirdoon?
9
Iran ayuu xifaaltan soo jireen ah kala dhexeeyaa cadawgeeda soo jireenka ah ee Israa’iil oo ay ku eedaysay inay fulisay weeraro ka dhan ah Iiraaniyiinta gudaha iyo dibadda labada.
Isra’iil ayaa dhankeeda sidoo kale dhowr jeer ku eedeysay Iran inay isku dayday inay beegsato Israa’iiliyiinta ku nool dalal dhowr ah.
Haddaba labadan dal ayey eedaymaha ay isu jeedinayaani aad isugu egyihiin, iyo sidoo kale falalka ay fuliyaan labadan hay’adood.
Tan waxaa loo sababayn karaa xifaaltanka dhanka awoodda ah ee bariga dhexe oo inta badan ay ku loolami jireen dalalka Iran, Israel, Masar iyo Sucuudiga, haatanna uu kusoo biiray dalka Imaaraatka Carabta, waxaana dalalkan ugu tun weyn dhanka dhaqdhaqaaqyada hubaysan, Iran iyo Israel oo inta badan si uun ugu lug leh xasaradaha bariga dhexe.
IRGC Waxay si joogta u caawisaa kooxaha ka dagaalama Afgaanistaan, Ciraaq, Lubnaan, Falastiiniyiin, Suuriya, iyo Yemen.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) waa ilaaliyaha fikradda Iran ee ka dhalatay kacaankii 1978-kii dalkaas ka dhacay. Waxaa lagu tilmaamay in ay ka difaacayeen Jamhuuriyadda Boqortooyada ah khataraha guddaha iyo dibadda.
Kooxdan ayaa door weyn ka qaadatay furitaanka arrimaha dibadda ee Iran waxayna gacanta ku dhigeen qayba badan oo ka mid ah dhaqaalaha dalkaas.
Waxaa si rasmi ah u aasaasay Ruhollah Khumeyni bishii May ee sannadkii 1979, iyada oo waaxdu ahayd laan milatari oo gaar ah, ka dib kacdoonkii Islaamiga ahaa ee dalkaas.
Iyadoo Ciidanka Iiraan ay si hab-dhaqameed ah u ilaalinayaan madax-bannaanida dalka, IRGC-da waajibaadkeeda dastuuriga ahi waa inay xaqiijiso jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Taas micnaheedu wuxuu yahay in IRGC loo wakiishay ka hortagga faragelinta shisheeye ee Iran, fashilinta afgambiyada militariga caadiga ah, iyo burburinta “dhaqdhaqaaqyada qalloocan” ee wax u dhimaya dhaxalkii fikradeed ee Kacaanka Islaamiga ah.
IRGC waxaa u aqoonsaday urur argagixiso dalalka Bahrain, Sucuudiga, Sweden iyo Maraykanka.
Ciidamadani waxay leeyihiin qaybaha dhulka, cirka, badda iyo sirdoon. Waxay sidoo kale leeyihiin qaybo u qaablisan gudaha oo kaliya iyo sidoo kale kuwa dalka dibaddiisa u xil saaran.
Mossad waa hayadda Dhexe ee Sirdoonka iyo Hawlgallada Gaarka ah ee Israel, waana mid ka mid ah saddexda hay’adood ee sirdoonka ee Israa’iil, oo ay ka mid yihiin Aman (sirdoonka militariga) iyo Shin Bet (ammaanka gudaha). Mossad waxay u xilsaaran tahay ururinta siraha shisheeye, falanqaynta siraha, iyo hawlgallada qarsoon.
Si rasmi ah waxaa loo aasaasay bishii Diseembar ee sannadkii 1949. Machadka Isku-dubbaridka, Mossad wuxuu ka dhashay waaxda sirdoonka ee Haganah (xooggii millatariga Yuhuudda ee Falastiin ku sugnaa intii lagu jiray waqtigii gumaystaha Ingiriiska).
Si ka duwan IRGC, Mossad waa hay’ad shaqadeeda ugu weyni tahay dhanka basaaska iyo fulinta hawlgallada qarsoon halka IRGC ay leedahay qayb u qaabilsan dhanka sirdoonka balse sidoo kale ay fuliso hawlgallo hubaysan oo muuqda.
Tobankii sano ee u dambeeyay waxay Mossad si toos ah iyo si dadbanba caqabad ugu ahayd IRGC iyada oo labada dhinac isku eedeeyeen falal “argagixisanimo”.