Dameeruhu waxa ay kamid yihiin duunyada ay Soomaalidu dhaqato kuwaasi haatan la sheegayo in ay qaarkood sii dabar go’ayaan.
Dameeraha ayaa la kulma tacaddiyo kala duwan marka ay noqoto qaabka loo raro iyo sida loo daryeelo intaba, oo ay muuqato in sida loogu shaqeeyo aan loogu sameynin daryeel gaar ah.
Magaalada kismaayo mid kamida dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta dameeraha ayaa horraan BBC-da u sheegay in dameerka uu u isticmaalo daawo daroogo ah si uu ugu shaqeeyo waqti badan isla markaana uusan u daalin.
Baraha bulshada ayaa lagu arkaa in dameeraha loo raro si xad dhaaf ah lana saaro alaab ka tan weyn oo uusan xamili karin taasi oo abuurta caro dadweyne.
Intaa waxaa dheer in abwaaniin Soomaaliyeed ay maansooyin kala duwan iyo buugaag ka qoreen dhaqashada dameeraha ee Soomaalida iyo daryeelkooda isla markaana ay jiraan sheekooyin xiiso badan oo la xiriira dameeraha.
Qoraa da’yar oo lagu magacaabo DR. Ibrahim Maxmed Kaahin Dhuxul ayaa muddo afar sano ah ku howlanaa qoraalka iyo diyaarinta buug halku dhiggiisu yahay “Duunyadii la dayacay”, ee uu kaga hadlayay dameeraha. qoraagga ayaa buugga kaga fallooday arrimo ay kamid yihiin,
Suugaanta dameeraha
Faa‘iidada ay leeyihiin dameeraha
Diinta islaamka iyo dameeraha
Iyo sida loo quudiyo dameeraha
Qoraagga buugga oo la hadlay BBC-da ayaa sharraxaad ka bixiyay qaar kamida suugaanta ku xusan buugga ee horraan laga curiyay dameeraha.
Dameerkii xabsiga la dhigay iyo Abwaankii booqday ee la sheekeystay
Maanso aad u xiiso badan oo uu curiyay abwaan Cabdi Qays loona yaqaanno “Darmaan iyo dalxiis” ayaa abwaanku waxa uu ka curiyay dameer la xiray oo uu xabsiga ku booqday.
Waxa uu isugu yeeray dalxiis halka dameerkuna uu ugu yeeray darmaan, maansadaasi ayuu abwaanku gu galay kaalinta 1-aad xilli uu tartan kaga qayb galay dalka Sweden oo lagu casuumay illaa 50 abwaaniin ah.
Abwaanka oo isugu yeeraya dalxiis iyo darmaan oo ah dameerka ayaa darmaan oo ka xun xabsiga la dhigay waxa uu yiri erayadan.
Wax maan dilin, Dad maan dhicin
Maandooriyaashiyo, Daroogada mid soo gura
maan ahayn dalxiisoow, Ganacsade Dillaal ihi
Hubka lagu dagaallamo, weligay dushaydiyo
Duudkayga kuma raran, Duunyadoodu qaar bay
tahay Dacar qadhaar iyo, Deeq lagu khasaaraye
ma daldalan sidoodii, Dadkoo baahan keligay
Dibbirada i eegaay!, Duhurkii kumaan oran
Baananka dulsaarkiyo, halka Daynta laga helo
Dacwad iguma soo qorin
Nacas baa dareenkiyo, Damaciisu lumiyee
intaan diday sidiisii, Dadkaygii ma baabi’in
Dumi iyo Kacaan-diid, midna duunka kuma hayn
Xukunkooda kama didin, Dal shisheeye maan tegin
bal Diiwaanka baaroo, Darajiyo Xil maan sidin
maanta laygu daba galo, Halka layga dilay iyo
waxa Dabinka igu riday, Dar Allee ma garan weli!!!
Wax ka qorista dameeraha
Qoraagga buugga “duunyadii la dayacay” Dr Ibrahim Dhuxul ayaa ka sheekeeyay sida uu u bilaabay qoraalka buugga ka sheekeynaya nolosha dameeraha gaar ahaan kuwa ay dhaqdan Soomaalida.
“Waxa aan ka qayb galay tababar ay na siinayeen dhakhaatiirku xeel dheer arrimaha caafimaadka ee xoolaha ayey igu dhalatay in aan lagu baraarugsaneyn daryeelka iyo daweynta dameeraha,” ayuu yiri Ibraahim.
Qoraagg oo ka sheekeynaya qiso iyadana ku dhacday dameer ayaa yiri, “waxaa jirtay sheeko kale oo aan ku qoray buugga taasi oo ka dhacday magaalada Burco. Waxaa dhacday in dameer uu la kulmay shil dabadeedna ninkii dameerka lahaa uu qaatay lacag magdhow ah, halkiina uu kaga dhaqaaqay dameerkii oo xaalad xun ku sugan,”.
“Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa bulshada u dhex galay oo sawirro ka qaaday kuna baahiyay baraha bulshada, waxayna ahayd mid muujineysa muhiimadda aan la siinin dameeraha marka ay waxyeello soo gaarto” ayuu yiri Dr dhuxul.
Ma badna dadka daryeelka u fidiya dameeraha marka loo eego sida loogu shaqeysto iyo sida ay dhibaatooyinka ula kulmaan, iyadoo aysan jirin cid si gaar ah mas’uuliyad isaga saarta daryeelka duunyada oo haatanba qaybtood ay sii dabar go’ayaan.