HomeWararkaMaxaa xilligaan ku soo beegay heshiiska ay wada saxiixeen Wasiirrada Arrimaha dibadda...

Maxaa xilligaan ku soo beegay heshiiska ay wada saxiixeen Wasiirrada Arrimaha dibadda Soomaaliya & Ruushka?

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda  Abshir Cumar Huruuse oo booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaas Sergey Lavrov.

Kulanka Wasiirrada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ruushka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa  Iskaashiga is-qadarinta iyo wax wada qabsiga labada dal.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan  ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda  Abshir Cumar Huruuse iyo dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulan kooda uga wada hadleen Shirka Ruushka iyo Qaaradda Afrika oo la filayo in uu ka dhacay Magaalada St Petersburg dhammaadka July ee sanadkaan.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Ruushka uu wajahaya cadaadis iyo cunaqabateyn uga imaaday qaar ka mid ah dalal ku yaala Qaaradda Yurub iyo dalka Mareykanka, culeysyada uu wajahayo dalkaan ayaa salka waxa ay ku hayaan dagaalka uu la galay sanadkii hore dalka Ukraine.

Must Read

spot_img