Magaalada New York waxaa ka furmay meertada 78aad ee Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayo arrimo dhowr ah halka ay dhinac socdaan kulamo doceedyo gaar gaar ah oo madaxdu yeelanayaan.
Fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxaa ka qaybgalaya Madax ka kala socota 145 Dal kuwaas oo isugu jira Madaxweyneyaal, Ra’iisul Wasaareyaal iyo Boqorrada waddamada nidaamka boqortooyo uu ka jiro.
Muddada shirka uu soconayo oo ah 19ka Sebteembar ilaa 26ka Sebteember 2023 waxaa halkaas khudbado ka jeedinaya Madaxdaas oo mid weliba waxa uu qaadanayaa waqtiga loo qorsheeyay in uu hadal-jeedintiisa ku cabiro.
Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre oo xoogga saaraya arrimaha Amniga sida howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Dalka ka socda, cunaqabateynta hubka, Deyn Cafinta & arrimo kale.
Muddada uu shirka socda waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda ka qaybgaleysa kulanka 78aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay si ay uga wada hadlaan xaaladda dalka iyo dalka ay ka socdaan, xoojinta xiriirka & qodobo kale.
La soco wixii kasoo kordha.