In ka badan 140 hoggaamiye iyo wakiillo dawladeed oo ka kala socda caalamka ayaa ku qulqulaya Magaalada New York ee Dalka Mareykanka si ay uga hadlaan kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada New York uu ka furma meertada 78aad, waxaana halkaas la filaya in khudbado kala duwan ay ka jeediyaan Hoggaamiyaasha Caalamka ee sanadkaan ka qeyb galaya shirka.

Madaxda ayaa sanadkaan waxa ay diiradda ku saarayaan dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah, dardargelinta Ajendaha 2030 ee ku wajahan gaaritaanka nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka.

Shirka Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, waxa uuna ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax soo saarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha inta uu ku sugan yahay xarunta Qaramada Midoobay wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale.

Share.

Leave A Reply