HomeWararkaMaxaa looga hadlay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiyada Dhexe ee Adduunka?

Maxaa looga hadlay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiyada Dhexe ee Adduunka?

Dalka Morocco gaar ahaan Magaalada Marrakesh waxaa lagu qabtay shir sanadeedka (Global Payment Week 2023 ‘GPW’ oo ay ka qaybgaleen madax ka kala socotay Bangiyada Dhexe ee Adduunka si ay uga arrinsadaan Teknoolajiyadda cusub ee hannaanka lacag bixinta Adduunka.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa 32 sano kaddib ka qaybgalay shirkaan waxaana lagu soo bandhigay tayada Bangiyada Adduunka iyo awoodda ay u leeyihiin la jaanqaadka Casriga (Teknoolajiyadda).

Waxa ay Soomaaliya fursad u yeelatay in ay ka qaybgasho dood la xiriirta guulaha laga gaaray hirgelinta hannaanka Mashruucaan maadaama ay ku guuleysatay ‘hannanka lacag bixinta qaranka’ sida lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Si gaar ah dooddu waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta Bangiyada Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub, Dalalka Maksiko iyo Cumaan. Waxaana lagu go’aamiyay in la kordhiyo hubinta iyo sare u qaadista tayada adeegyada Bulshadu uga baahan yihiin.

Agaasimaha sare ee Lacagta & howsha Bangiga dhexe ee Dalka Axmed Xundubey oo ay wehliyaan xubno katirsan Bangigaan ayaa Soomaaliya ku metalay shirkaan sanadlaha ah ee 12kii bil mar la qabto.

Soomaaliya ayaa horumar ka sameyneysa dhinac kala duwan iyada oo ay kasoo muuqaneyso shirarka caalamiga ah, Madaxda Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hormarin lahaa Dalka si mudnaantii uu ku dhex lahaa Dunida dib loogu soo celiyo.

Must Read

spot_img