Maxaa looga hadlay Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland?

23

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada Maamulka  Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Dhankooda Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay Madaxweynaha Warbixin ka siiyeen xaalada Guud ee degaannada Jubbaland, waxyaabaha u qabsoomay & qorshahooda xiga ee xilligaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here